Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Kooxo hubeysan ayaa Xalay Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku Dilay ganacsade Xasan Xaaji Daahir oo Ka mid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqiinay Magaalada Baladweyne. Dableyda geysatay dilka marxuumka ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen ninka ganacsadaha. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab ee lagu dilay, laguna dhaawacay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug yo Hirshabeelle iyo waliba kuwa baxsadka ah. Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee labadii bilood ee lasoo...
Wasiirka warfaafinta ee maamul goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah bisha January ee 2024. Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garowe, isagoo sheegay in ay diyaariyeen wax walba oo lagu qaban lahaa doorashada kusoo...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Sacuudi Carabiya ay joojisay xoolihii Somaliland ee u dhoofi jiray dalkeeda. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Jidda ay xooluhu ku istaageen. "Hakadku xaga Jidda ayuu ka yimid, xooluhu dalal badan ayay u dhoofaan,...
Warsaxafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Burundi iyo Uganda oo kaashanaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka iney si wadajir ah ula wareegeen deegaanka Cali fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhulka keymaha leh ee deegaanka Cali Fooldheere ku teedsan ayaa mudo dhowr maalmood ah...
Labo maamul oo iskasoo horjeeda ayaa lagu kala doortay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, arrintaas oo muujinaysa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faaax Siciid Juxa ayaa ka hor yimid labada doorasho ee lagu kala doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenka Boosaaso, halka...
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka socda degaan hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug. Waxaynu...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah u naxariste Duqii hore ee magaalada Muqdisho marxuum Cali Ugaas Cabdulle. Allah u naxariistee marxuumka ayaa maalmahii lasoo dhaafay xanuun la jiifay Isbitaalka Digfeer oo saakay ugu dambeyn...
Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar shalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaasi oo lala beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. “Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii fuleynimada ahaa ee ka dhacay magaalada Ankara-Turkey, waxaana tacsi u direynaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayaa...
Kulan u dhaxeeyay beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle oo ka dhacay deegaanka Wara dhumale ee gobolka Galgaduud, islamarkaana ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiiro, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa looga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Masuuliyiinta beelaha ee ka...