Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw safar ugu ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eretariya.
Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Eretariya ayaa lagu sheegay iney la xariiro adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadisda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo...
Kamaal Aba Sheekh oo ah Aabaha dhalay Sakariye Kamaal Aba Sheikh oo ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya inuu fududeyn jiray hubka iyo qalabka kale ee milatari ee kooxda Al-Shabaab dibada ka soo iibsato ayaa ka hadlay waxyaabaha ka jira eedaha lagu haysto wiilkiisa.
Sakariya Kamaal Aba Sheekh oo hay'adda NISA...
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaasoo Muqdisho ku tagay casuumaad rasmi ah oo dowladdu u fidisay.
Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay, in ra'iisul Wasaaruhu ka dhageystay hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan...
Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa in muddo saddex bilood ah la hakiyo bixitaanka ciidamada ATMIS.
War-murtiyeed uu soo saaray Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa wuxuu ku sheegay inuu si xooggan u taageersan yahay codsiga ku aadan...
Wabiga Shabeelle ayaa bilaabay inuu ku fataho deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii uu sara kac ku yimid heerka biyaha wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Fatahaada ayaa lasoo warinaya in xoogeeda uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka...
Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaaray wafdi uu horkacaayo hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.
Wafidgaan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ujeedka safarka wafdiga hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ee magaalada Muqdisho ayaa ku qotanta casuumaad uu u...
Waxaa Maanta markale gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka baaqday safar ay ku tagi lahayeen Baydhabo.
Xubnahaan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah kana soo jeeda...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir oo looga arinsaday arrimo dhowr ah oo la xariira amniga Caasimada,
qaadashada kaarka Aqoosiga Qaranka, garab istaaga ciidanka dowladda iyo waliba roobaabka mahiigaanka ah ee la filaayo iney ka da’aan...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo galinkii dambe ee shalay ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab inta u dhaxeysa deegaanada Shabeelow iyo Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare badan...
Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya bisha December ee sanadka 2024-ka markaas oo dhammaan dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta ay ka baxayaan Soomaaliya.
Ducaale, oo ka soo hor muuqday fadhiga guud ee senate-ka si uu uga jawaabo su’aalaha senate-ka, ayaa...


















