Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “waxaan garab taagannahay Israel,” xilli Washington ay isku dayeyso inay yareyso xiisadda Bariga Dhexe kadib weerarkii ay Xamas qaaday.
Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israel ee ku aadan weerarada jawaabta u...
Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa Talaadadii ku baaqday in la sameeyo waddooyin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini'aadanimo ee la geynayo marinka Gaza, taas oo ay isticmaali karaan shaqaaleheeda iyo gargaarka ay wadaan.
Bayaanka ay soo saartay WFP ayay ku sheegeen inay billaabeen, hawlgal degdeg ah oo ay...
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Xalay ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Shabeelow, islamarkaana lagu beegsaday xubno ka mid ah Al-shabaab oo ku...
Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kusii qulqulaya magaalada Garowe, xilli madaxweyne Deni uu muddo labo bilood ah ka maqan yahay Puntland.
Musharraxiinta oo shir isugu imaanaya maalinta berito ah, inkastoo culaysyo ay kala kulmayaan laamaha amniga, ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan isbahaysi siyaasadeed oo ay...
Dowladda Kenya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay aqoonsatay liiska horjooagayaal katirsan kooxda Alshabaab, kuwaas mas’uulka ka ahaa weeraro ka dhacay magaalada Lamu ee dalka Kenya.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki, Isagoo ka hadlayay kaniisadda St. Andrews ACK Nenderu, ee deegaanka Kiambaa, ayaa sheegay in horjoogayaasha la aqoonsaday...
Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray ciidamada booliiska Somaliland iyo dadwayne ka cadhaysan dhul ay daganaayeen oo laga rarayo magaalada Hargaysa.
Isku dhaca booliiska iyo shicibka ayaa yimid kadib markii la sheegay in dhulka Laynka Booliiska ee badhtamaha suuqa Hargaysa ay xukuumadu ka iibisay ganacsato si...
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee shalay booqasho shaqo ku tagay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.
Kulankoodii ugu horeeyay oo ay ku...
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in 24-ka saac ee soo socda ay dhammaan dadkooda ka daad gureeyeen magaalooyinka u dhow xadka Gaza, iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, Daniel Hagari ayaa yiri, “Howsha u taalla ciidamada 24-ka sax ee soo socda...
Dagaalka U Dhexeeya Israa’iil iyo Xamaaz oo Meeshii Ugu Sareysay Mareysa iyo wararkii ugu Danbeeyey.
Waxaa maalintii labaad galay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Israa'iil iyo dagaalyanahada Xamaas oo geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ayaa la xaqiijay inuu ka socdo 22 goobood oo ku yaala meel u dhaw Koonfurta marinka Qaza oo maalintii Sabtiga uu ka bilaawday dagaal...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa furay wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, kaas oo looga xoraynayo degaanada maamulkiisa.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in ay ka go’an tahay inay kooxda Shabaab ay ka xoreeyaan dhulka Koonfir Galbeed. Wuxuu sidoo kale sheegay...


















