Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo Catriona Laing, ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya, in Puntland lagusoo celiyo madasha golaha wadatashiga qaran.
Catriona Laing, waxay sheegtay in lagu jiro marxalad xasaasi ah oo u baahan in si wadajir ah heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Brussels ee dalka Biljamka madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadlay dagaalka ka dhanka ah ciribtirka kooxda Al-shabaab, iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi socodka dowlad dhiska iyo...
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in dad ay doonayaan inay la fashiliyaan dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee nabadaynta Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad ay ku hawlanyihiin in la fashiliyo dagaalka uu madaxweynuhu kula jiro Al Shabaab, lakiin uu isaga laftiisu isfashilinayo.
"Xasan Sheekh intaasoo jeer ayaan idhi...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Belgium.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kaga qeybgalaya magaalada Brussels shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.
Shirkaan oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa lagu...
Dawladda Kenya ayaa waxay soo bandhigtay magacyada 35 xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen weerarro argagixiso oo ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu.
Dowladda Kenaya ayaa ka codsatay dadweynaha reer Kenya inay si iskaa wax u qabso ah usoo gudbiyaan macluumaad horseedi kara in...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee A.I. Shane Dixon iyo Colonel David J. Haskell, oo ah Taliyaha Howlgalka Gaarka ah ee Wadajirka ah ee Soomaaliya.
Inta uu socday kulankooda ayaa waxa ay uga wada hadleen iskaashiga muhiimka ah ee dhanka amniga ah ee u...
Dallada ay ku bahoobeen mucaaradka Puntland ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalandoonto muddo kororsiga madaxweyne Deni.
Hadalka dallada mucaaradka ayaa looga jawaabayay, go’aan kasoo baxay guddiga doorashada Puntand, kuwaas oo saaray jadwal cusub oo ay u sameeyeen doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Puntland.
Guddiga doorashada Puntland waxay gadaal u dhigeen...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugida gobolka Hiiraan iyo ciidamo maleeshiyaad ah oo qaab qabiil...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo Booliis ah ay kala dhex dhigtay laba beelood oo walaalo ah oo colaada u dhaxeysa ay dib uga soo cusboonatay maalmahii lasoo dhaafay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in beelaha ku dagaalamay deegaanada...
Wiil dhallinyaro ah ayuu askari booliis ahi xalay ku toogtay xaafada Badacas ee magaalada Hargaysa.
Mustafe Abees oo ay walaalo ahaayeen Abwaanka ku caanbaxay mucaaradada xukuumada Madaxweyne Biixi, ee Cabdiraxmaan Abees ayuu xalay askari ku toogtay magaalada Hargaysa, isagoo dhaawac kasoo gaadhay xabada uu saacado kadib u geeriyooday.
"Hadda ayaa nin...


















