Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

 Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa 24 saac kadib cadeeyay mowqifkiisa ku aadan xil cusub uu Shalay u magacaabay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud. Xilka loo magacaabay Cali Jeyte ayaa ahaa u qeybsaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa ahaa mid dhexmaray ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kuwa  Ururka Al-Shabaab, kaasoo yimid kadib markii ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay weerar...
Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay fulisay ballanqaad ay la gashay dalka Tanzania, ballanqaadkaas oo ahaa in Soomaaliya ay ku garab istaagto inay Tanzania ku guulaysato madaxweynaha baarlamaanka adduunka. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda oo bixiyay wareysi, waxa uu sheegay, bishii...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya. Magacaabistaan ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowlada, waxaana xusid mudan in magacaabista Cali Jeyte Cismaan ay kusoo...
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €89.5 milyan oo Yuuro ah, oo €20 milyan oo kamid ah loogu talagalay in lagu taageero miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee la meel mariyay. “Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Maalgelintan waxaan ugu talo galnay in aan wax kaga qabanno dowlad-dhisidda Soomaaliya, annagoo eegayna...
Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Camaara ee gobolka Mudug. Howlgalada ayaa la tilmaamay iney ahayeen kuwa lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Camaara iyo deegaanada hoostaga, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda. Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuriyadda Midowday ee Tanzania, Dr Tulia Ackson, ayaa lagu dhawaaqay in ay tahay Guddoomiyaha 31-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU). Waxay ku guulaysatay doorasho ka dhacday magalada Luanda ee dalka Angola, iyadoo ay la tartamayeen saddex musharrax oo kale oo haween ah oo ay mid kamid ah tahay...
Xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed ayaa xalay wuxuu si rasmi ah u shaaciyay qabashada tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Sanadkan isbedel wayn ayaa ku yimid tartanka. Maamulka SSC-Khaatumo oo ay dhawaan dowladdu u aqoonsatay maamul KMG ah ayaa ka qeyb galaya tartankan. Sidoo kale maamulka Puntland ayaan ka...
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu deeqay mushaarkooda bisha Oktoobar, si ay ugu taageeraan ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-shabaab. Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, shirkaas oo ay kasoo baxeen qodobo ku saabsanaa dagaalka dowladda...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Golaha hanaanka casriyeynta iyo isbadalka Soomaaliya. Magacaabista Golahaan ayaa la tilmaamay in looga golleyahay dhismaha iyo  kobcinta isbeddel horseedaya Horumar waara, islamarkaana saldhig u noqon kara Soomaaliya xasiloon, maamul hufnaan leh oo dhaqaale ahaan isku filanan karo sida lagu...