Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Raysal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay diiday in ururka Xamaas loo aqoonsado urur argigixiso ah. Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ururka Xamaas uu yahay urur mujaahidiin ah oo halgan ugu jira sidii Yahuuda uu uga xorayn lahaa dhulka reer Falastiin ee ay...
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa kasoo horjeestay baaqii kasoo baxay isimada Puntland, kuwaas oo sheegay in aanay doorasho qof iyo cod ah dhici karin, iyagoo soo jeediyay in dib loogu laabto nidaamka qabaliga ahaa. War-saxafaadeed kasoo baxay nadaxtooyada ayaa lagu sheegay, in Puntland dhegaysanayo talooyinka u hiilinaya ka mira dhalinta...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Axmed Cali Sheegow (Gen. Sheegow), ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, iyo sidoo kale bixinta Diyada dilka Sakariye Maxmaed Cali iyo dhaawaca sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen. Labadan nin ee midna magtiisa lagu xukumay, mid kalena dhaawaciisa, ayaa ahaa saraakiishii iyo askartii...
Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walaaca laga muujinaayo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga Shabeelle deegaano ka tirsan gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybo ka mid gudaha Soomaaliya. Muqaalo laga soo duubay Wabiga Shabeelle ee deegaanka Iimeey Galbeed ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muujinaayay baaxada biyo aad u...
Xukuumada Somaliland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga digtay in lagu sheego in ay kamid tahay goobaha uu ka hawlgalo Halwgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. "Somaliland way kasoo horjeedaa qoraal kasta oo kasoo baxa Golaha Ammaanka, oo sheegaya in Somaliland ay kamid tahay goobaha loogu talogalay hawlgalka...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay dhameystirka Dastuurka, si dowladda ay u noqoto dowlad buuxda. Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay inta uu qeybyada yahay Dastuurka dalka ineysan dhameystirnen nidaamka dowladnimada saxda ah, islamarkaana loo baahan yahay in la dhameystiro...
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay, dowladda federalku in aysan Puntland ku khasbi doonin in ay qeyb ka ahaato nidaamka doorasho ee golaha wadatashiga qaran uu isku raacay. Wasiir Axmed Macalin Fiqi waxa uu caddeeyay, Puntland in ay dibadda ka joogi doonto nidaamkaan doorasho ee dowladdiisu...
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay xaalad kacsanaan ah ay ka jirto deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo Shalay ay ku dagaalmeen laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah. Xiisada ayaa saakay si gaar ah u taagan deegaanka Xananbuure oo qiyaas ahaan u jira...
Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 278,000 oo kalena way saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay sameeyeen webiyada tan iyo markii ay bilowdeen roobabka xilliga Deyrta, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bini'aadantinimada (OCHA). Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee...
Mucaaradka maamulka Puntland ayaa maanta war saxaafadeed ay soo saareen waxay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ku eedeeyeen inuu iclaamiyay colaad cusub, si uu xilka xoog ugusii joogo. Mucaaradka waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu la shiray saraakiisha ciidamada Puntland, islamarkaana uu faray in ay ku difaacaan damaciisa muddo kororsiga, iyagoo...