Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan xaalado nololeed oo aad u adag oo lasoo gudboonaatay dadka ku nool degmadaas.
Roobab mahiigaan ah oo ay ka dhasheen daadad xoogan ayaa xiray dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee soo gala degmada, taasoo sii adkeysay...
Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala Baledweyne.
Xaafadaha uu Xalay ilaa saakay wabigu ku fatahay ayaa ah qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u wabiga Xalay saqdii dhexe karkaarada...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo agaasimihii hore ee Canshuuraha Bariga ee degmada Warta nabadda, ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim.
Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo hadda maqan, ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, ku takri-fal hanti dadweyne, iyo dokumentiyo been abuur ah, iyadoo dambiyadan la sheegay inay...
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku raacay Ra’iisul wasaare Xamse mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay madaxweynaha shir madaxeedka Afrika iyo Carabta oo shalay ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso walaaca ay Dawladda Soomaaliya ka qabto xaaladda ka taagan Qasa waxaan...
Wabiga Shabeelle ee dhexmara xaafadaha magaalada Baledweyne ayaa bilaabay inuu karkaarada ku jabsado qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.
Qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayuu duhurnimadii maanta ku fatahay wabiga, gaar ahaan laamaha Raadeerka, Kutiimbo, dhagaxjibis iyo Shaah macaan.
Xaafadaha uu maanta ku fatahay wabiga Shabeelle...
Midowga Musharixiinta mucaaradka Puntland ayaa shir ay ku yeesheen magaaalada Garoowe, waxay ku baaqeen in xal nabadeed lagu dhameeyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka jirta Puntland xilligan kala guurka ah.
Midowga Musharixiinta oo warbaahinta kula hadlay Garowe, waxay ku boorriyeen saaxiibada caalamka inay sii wadaan dadaallada lagu taageerayo xasilloonida siyaasadeed,...
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay shir Muqdisho ugu soo gabagaboobay Saraakiisha Booliiska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.
Shirkaan oo Muqdisho sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday hogaanka sare ee talisyada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa dowlad goboleeydada ayaa ahaa...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay hakiyeen muddo saddex bilood ah bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Go’aankan ayaa daba socda codsi ka yimid Soomaaliya oo ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.Codsiga Soomaaliya waxaa taageeray Midowga...
Maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo bandhigay ugu yaraan 10 maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Soomaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo shalay ka dhacay degaanka Buq-dharkayn.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare sare, iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub.Wareysiyo laga...
Hay’adaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay sii daayeen 25 milyan oo dollarka Maraykanka ah si ay ugu bilaabaan samata bixinta daadadka Soomaaliya ka dhacay oo saameeyay 1.2 milyan oo qof.
Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku qiyaasay in 1.6 milyan oo qof ay saameyn karaan fatahaadaha xilli-roobaadka ee...


















