Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabid, xilka qaadis iyo isku badal ku sameeyay golihiisa xukuumada. Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiirkii Isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil, Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani iyo Wasiirkii Maalgashiga Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne. Dhinaca kale,...
Wabiga Shabeelle ayaa saadacahii lasoo dhaafay ku fatahay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Wabiga ayaa ku tahay deegaanada iyo degmooyinka kala ah Afgooye, Awdheegle, Jannaale, Buula mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana halkaasi isaga barakacay boqolaal qoys oo u badan beeraleey. Sawiro halkaas laga soo qaaday...
Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo, ayaa sheegay in ay ciidamada SSC ku fasixi doonaan inay gudaha u galaan degaanada Somaliland. Garaad Jaamac ayaa uga digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka waddo Oog, isagoo sheegay in ay wax badan xakamaynayaan,...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan deg deg ah oo looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’aya qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaana kulanka shir guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre...
Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ciidankeeda millateriga u qorayso ciidamo beeleedyo dhawaan ku dagaalamay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag. Kadib heshiis laga gaadhay dagaalo dhawaan degmada Ceel-afwayn ku dhexmaray beelo halkaa wada daga, ayaa lagaga dhawaaqay in ciidamo beeleedyada dagaalamay lagu dari doono millateriga, sida saraakiisha ciidanku shirka...
Taliska ciidanka dhulka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay toogteen qof naftii hallige ah, oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kulliyada jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed kooban oo talisku uu soo saaray, ayaa lagu sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidanka, marka laga...
Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah. Heshiiskan oo caddeynaya xoojinta xiriirka labada dal ayaa waxaa si rasmi ah u kala saxiixday wakiilo ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga. Heshiiska ayaa...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya madaxweynayaasha dalalka Eretariya iyo Ciraaq. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa ka wada hadlay xaalada gobolka iyo adkeynta xriirka ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana la tilmaamay...
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan dalka inuu galay xaalad deg deg ah, kadib roobab mahiigaan ah iyo fatahaado is barbar socda oo saameyay dadka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa xusay in daadadka iyo fatahaada ka jirta qaar ka mid ah gobolada...
Maamulka SSC- Khaatumo ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada ee ka taagan Puntland. Madaxweynaha SSC- Khaatimo, Cabdiqaadir Axmed aw-Cali Firdhiye ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya doorashada inay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee dhexdooda. Madaxweyne Firdhiye wuxuu uga digay dhinacyada is haya in xaaladda la...