Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne bilowgii todobaadkaan iney ku barakaceen 270 kun oo qoys. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban Hirshabeelle Cabdullaahi Axmed Maalin sufuroow ayaa sidoo kale sheegay in dadka barakacay ay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah. Gudoomiye Sufuroow ayaa...
Golaha Ammaanka ee QM ayaa ansixiyey qaraar lagu kordhinayo oggolaanshaha Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah oo ah illaa 30-ka June, 2024-ka. Qaraarka tirsigiisu yahay 2710, kaasoo ku guuleystay taageerada wadajirka ah ee 15-ka xubnood ee golaha, ayaa u fasaxaya dalalka xubnaha ka...
24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa kor u sii kacay heerka biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay biloowgii todobaadkaan dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne. Kororka biyaha wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii saacadahii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da'een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne, islamarkaana waadiyaasha ay kusoo...
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya dalka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dedaallada socda ee gurmadka ah, isagoo sheegay in Xukuumadda ay dedaal ballaaran...
Dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa si wadajir ah usoo saaray war murtiyeed ka kooban 16 qodob, kadib safar shaqo oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye kala hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga xiriirka labada...
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Burundi, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo dhigiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalka Burundi. Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka...
Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inuu isniinta todobaadka soo socda oo ku beegan 20-ka November, meel mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, xeerkaas oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka. Shalay ayaa baarlamaanka loo gudbiyay xeerkan, kaasoo sheegaya in doorashada waqtigeeda laga dhigo dhammaadka bisha febraayo, laguna qabto hab ay madaxweynaha...
Waxa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay warbaahinta u sheegen maamulka degmada Baledweyne. Maaamulka degmada...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta Arab News, ayaa sheegay, in rabshadaha u dhexeeya Israa'iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu xalin karo heshiis siyaasadeed. "Waxa ka socda Falastiin, gaar ahaan Gaza, waa kiis gaar ah oo ka soo horjeeda dhammaan qiyamka bini'aadamka.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan...
Dallada mucaaradka Puntland ayaa maanta oo talaado ah waxay soo saareen jadwalka doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada, iyagoo sheegay in ay ka ambaqaadayaan go’aankii kasoo baxay shirkii golaha Isimada. Warsaxaafadeed ay soo saareen mucaaradku, waxay ku sheegeen in doorashada loo qaabeeyay habkii qabaliga ahaa ee ay horey ugu dhici jirtay doorashadu,...