Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta  degmada Dooloow ee gobolka Gedo u tagay u kuur galida xaaladaha Bani'aadanimo ee ka dhashay daadadka roobabka ka da'ay degmadaas iyo nawaaxigeeda. Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha degmada Dooloow waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ku yaala dhinaca Galbeed ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab. Ciidamada Gorgor ayaa howlgalka ku dilay  sadax xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab iyo...
Waxaa socda dadaalo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa colaad ka dhacda magaalada Garowe, xilli magaalada ay dad badani ka qaxeen xalay illaa iyo shalay. Maanta, waxaa magaalada kusoo wajahan salaadiinta dhaqanka SSC- Khaatumo, kuwaas oo u imaanaya sidii uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada nabadda. Madaxweyne Deni iyo mucaaradka hubaysan ayaa...
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ay kooxda Al Shabaab xalay saqdii dhexe ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose. Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Lt Col Mwachinalo oo la hadlay warbaahinta Hiiraan Online ayaa sheegay in...
Mucaaradka Puntland oo saxaafadda kulada magaalada Garowe, ayaa wada hadalkii madaxweyne Deni ee  arrimaha doorashooyinka, ku tilmaamay mid jees jees ah Mucaaradka ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn wadahadal aan ahayn doorasho xilligeedii ku dhacda, iyo sidoo kale gacan saddexaad oo dhex dhexaadisa oo lagu kalsoon yahay. Mucaaardku waxay sheegeen madaxweyne...
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii ugu horraysay sheegay in uu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in uusan diyaar u ahayn in kala aragti duwaanshaha doorashada uu sababo inuu dhiig ku daato, wuxuuna taas...
Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda kasii daayay madaxweyne Deni, kaasoo ahaa inuu cafis fidiyay sarkalkan iyo ciidankiisa. Kornayl Jimcaale oo soo saaray war-saxaafadeed, ayaa sheegay, madaxweyne Deni inuu isagu yahay dambiile ka dambeeyay dagaalo ay dad rayid ah...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo geystay khasaare badan oo Xalay ka kacay suuqa Xamarweyne, gaar ahaan qeybta Masjidka Marwaas, kaasoo markii dambe ku fiday qeybo kale oo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo Suuqa Hilibka. Dabka oo in la damiyo qaatay saacado badan ayaa waqti dambe...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku tagey xerada Hiil weyne oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasillinta Caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad. Raysal wasaare Xamse oo la hadlaayay ciidanka xasilinta...
Waxaa sii kordhay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka. Guddoomiyaha hay'adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fataahadaha wabiyada...