Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

SSC Khaatumo ayaa soo bandhigtay maxaabiis 7 ah oo ay kusoo qabatay dagaalkii shalay gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland. Maxaabiistan oo ay qaarkood dhaawac ahaayeen ayaa warbaahinta uga warbixiyay sidii loola dhaqmay kadib markii dagaalka lagu soo qabtay. "Markii la isoo qabtay waxa la ii keenay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil...
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in dowladdiisa ay taageersan tahay dhameystirka Dastuurka Soomaaliya iyo hirgelinta heshiiskii Baydhabo ay ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran 27-kii May 2023. Madaxweynaha oo ka hadlayay shir u dhaxeeya xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkiisa,...
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SODMA, ayaa safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ka gaddoontay deeq lacageed oo dhan $139,318.45, taasoo lagu taageerayo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkii ku waxyeeloobay fatahaadda. Mahamud Moallim Abdulle, Guddoomiyaha SoDMA, ayaa ku bogaadiyay dowladda Shiinaha deeqdan lacageed ee ay ka heleen, isagoo ku nuux-nuuxsaday...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ka wada xadka ay wadagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa warbaahinta u soo bandhigay laba ka mid ah odayaasha dhaqanka ee la shaqeeynaayay kooxda. Odayaashaan lasoo bandhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheehay Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf,...
Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, ayaa saaka ka socda deegaanka Bisiqa oo ka tirsan deegaanka Yeyle ee gobolka Sool. Dagaalka ayaa sida lagu waramayo ah mid aad u culus, inkasta oo aan wali laga hayn xog buuxda oo ku saabsan deegaanada uu sida rasmiga...
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday isticmaalka adeegga 1xbet ee qamaarka lagu cayaaro, ka dib markii dowladdu ay sheegtay inuu isticmaalkiisu kasoo horjeedo diinta iyo sharuucda dalka. Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay guddiga ka hortagga maalgalintaa argigixisada iyo lacag dhaqidda, ayaa lagu sheegay, in 1xbet uu saamayn...
Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay halista ka dhalan karta  xiisadaha colaadeed iyo abaabulka ciidan ee ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. War-saxafadeed kasoo baxay beesha caalamka, ayaa lagu sheegay in joogitaanka ciidamada ee magaalada gudaheeda ay cabsi gelinayso dadka shacabka ah, waxaana taasi ay keentay in iskuulada la...
Maalintii labaad waxaa magaalada Garowe ka socda dadaalo nabadeed oo looga hortagayo in gacan ka hadal uu isku beddelo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxweyne Deni iyo mucaaradka. Mas'uuliyiin aan la xiriinay ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay, in mucaaradka ay oggolaadeen inay ciidamada ka saaraan xaafadaha ay soo galiyeen,...
Ciidamada xasilinta Caasimadda ee Boliisa Milataare ayaa xalay howlgalo qorsheysanaa ka sameeyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho. Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid ciidanka xasilinta ay ku xaqiijinayeen amniga guud ee magaalada Caasimadda ah, islamarkaana looga hortagaayay qatarta dhinaca amniga ah ee laga filan karo kooxda Al-shabaab. Ciidamada...
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan. Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023. Iyagoo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go’aamiyeen in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka. Golaha...