Dowladda Kenya ayaa soo dhaweysay ku biiritaanka Soomaaliya ee xubinimada bulshada Bariga Afrika (EAC) kadib ol’ole ay Soomaaliya ku doonaysay in ay ku biirto ururkan.
War qoraal ah oo uu soo saaray wasiirka koowaad Kenya, Musalia Mudavadi ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guusha ay gaartay, isagoo sheegay in xoojinta xiriirka gobolka...
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guusha weyn ee ay ka gaareen in ay xubin rasmi ah ka noqdaan ururka Bariga Afrika ee EAC.
War-saxaafadeedka ay soo saartay UNSOM ayaa lagu yiri “Waa guul u soo hoyatay Soomaaliya oo ka tarjumaysa dib ugu...
Soomaaliya ayaa si buuxda uga kamid noqotay xubinimada Urur Gobaleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi culus oo la socda, ayaa ku sugan magaalada Caruusha ee caasimada dalka Tansaaniya halkaasi oo lagu go’aamiyay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkaan.
Madaxweynuhu wuxuu guddoomay kursiga...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tagi doona Nairobi, xilli Kenya ay sidoo kale bedeshay danjiraheedii u fadhiyay Muqdisho.
Ambassador Jabriil, ayaa kasoo shaqeeyay Kenya tobankii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu bedelayaa danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan,...
Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in maamulka SSC- Khaatumo uu ka qeyb gali doono tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaaadir, haddii ay buuxiso sharuudo farsamo oo horyaala.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, ayaa sheegay in maamulka SSC- Khaatumo looga baahan yahay inay soo dhisaan xiriirka kubadda...
Dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujinaysa in ku biirista ururka bulshada Bariga Afrika si rasmi ah loo ansixiyo inta lagu guda jiro shir madaxeedka 23-aad ee hoggaamiyeyaasha EAC, kaas oo Jimcaha maanta ah ka furmaya magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.
Haddii la ansixiyo, Soomaaliya waxay si rasmi ah u...
Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada is barbar socda iyo ciribktirka kooxda Al-shabaab.
Shirka oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn Golahiisa Wasiiradda wuxuu warbixin ka siiyey safarkii uu maalin ka hor ku...
Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay labada aqal ee baarlanaanka Soomaaliya, in aysan qayb ka noqon wax ka baddelka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay dano siyaasadeed ka leeyihiin wax ka beddelka dastuurka dalka.
Puntland waxay sheegtay in wax ka...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ee fadhigoodu yahay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa isku soo dhiibay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Horjoogahaan isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirahmaan Hiiti Ibraahim, (Abuu Abdirahmaan) kaasoo ka mid ah horjoogayaasha kooxda u qaabilsana deegaanada Nuurdugle iyo Guulane...
Baarlamaanka Puntland ayaa isku khilaafsan meel marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka Puntalnd, ee uu dhawaan baarlamaanka usoo gudbiyay guddiga doorashada ee PEC.
Tiro xildhibaano ah oo loo saaray inay kasoo talo bixiyaan xeerkaan, ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay talo-soo jeedin ku aaddanayd in dib loo dhigo xeerkan, oo ay...


















