Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay dowladda federaalku inay aad ugu dadaalayso inay saamayn ku yeelato doorashada Puntland.
Wasiir arrimaha gudaha Mr. Juxa ayaa sheegay, dowladda federaalku inay doonayso inay lasoo baxdo madaxweyne Puntland ka socod siiya ajendaheeda siyaasadeed ee wax ka beddelka dastuurka dalka iyo...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka, ayaa sheegay inuu soo xiray Bishaaro Idiris Maxamed oo ku magac dheer Bishaaro Balaayo oo ahayd gabar dhallinyaro ah oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaallo anshax xumo ah oo ay dhibsadeen bulshadu.
War...
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu iska casilay xilkiisii, isagoona warqaddiisa iscasilaada ah u gudbiyay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay sababta uu isaga casilay xilkiisa in ay tahay, si uu waqti iyo madax banaani...
Markab kuwa xamuulka qaada ah oo ka babanayay calanka Malta oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa ku sii jeeda dalka Yemen, taasi oo keentay cabsida laga qab in kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay la shaqeeyaan kooxaha Xuutiyiinta.
Markabka MV Ruen ayaa ka soo ambabaxay dalka Singapore kuna socday...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo 16 kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in talaabadan ay hordhac...
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiiladda Puntland, ee lagu muransan yahay, ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay qabashada araajida xildhibaanada, iyagoo soo saaray sharuudaha laga rabo xildhibaanka.
Shaacintooda ayaa kusoo aaday, kadib markii ciidamo katirsan kuwa mariiniska Puntland oo ka amar qaadanayay madaxtooyada, ay la wareegeen xarunta...
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday iney dowladda ay wali fursad siineyso dhalinyarada ka barbar dagaalanta kooxda Shabaab.
Taliyaha ciidanka dhulka Dayax Cabdi oo ku...
Ciidamo ka amarqaata madaxweyne Deni, ayaa xalay saqdii dhexe la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu shir uga socday xildhibaanada baarkamaanka.
Ciidamo katirsan kuwa mariiniska iyo gaadiid dagaal oo dhowr tiro ah ayaa saaka lagu arkayaa xarunta baarlamaanka. iyadoo ay halkaas isaga baxeen...
Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa Booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah ay si rasmi ah ula wareegaan amniga guud ee madaxtooyada dalka.
Ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa wareejinaya sanado badan kadib amniga madaxtooyada dalka oo ay dagan yihiin...
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa Soomaaliya ku soo dhoweeyay xubin ka tirsan Bulshada Bariga Afrika, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid sare u qaadaysa dadaallada ururka gobolka ee lagu xaqiijinayo barwaaqada iyo amniga istiraatiijiga ah ee dadkeeda.
Madaxweyne Museveni oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in tan iyo...


















