Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah golaha dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa hoosta ka xarriiqay in qadddiyadda SSC aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isagoo sheegay in 700 qof ay u geeriyoodeen in ay masiirkooda iyagu u taliyaan.
Garaadka oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin...
Wasiirkii haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta ku geeriyootay dalka Jabuuti.
Allaha u naxariistee, wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kamid ahayd wafdigii raysal wasaaraha Soomaaliya u raacay dalka Jabuuti, si ay uga qeyb galaan shirka aragti wadaagga Heritage ee ka socda dalka...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa maanta gacanta dib ugu dhigay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada dowladda ayaa si nabdoon kula wareegay degmada Ceel dheer iyo deegaanada hoostaga, kadib markii xubanihii Shabaabka ahaa ee ku sugnaa halkaas ay isaga carareen.
Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Camaara iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.
Deegaanada ay ciidamada is garab sanaya la wareegeen ayaa kala ah Jeex jeex iyo Buurta Yacgoos, waxaana la sheegay in halkaasi uu dagaal khasaare geystay...
Guddiga sare ee IMF ayaa si rasmi ah u ansixiyay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo.
Dayntaan cusub ayaa waxay ku dhisan tahay horumarka ilaa hadda la gaaray, oo ay ku jiraan Barta dhamaystirka dayn cafinta Soomaaliya, iyo dib-u-habaynta lagu xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha ee...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saartay duqeyn 17-kii bishaan Decembar ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Duqeynta ka dhacday Jilib ayaa aheyd mid diyaaradeed oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka, taasoo lala eegtay horjooge ka tirsanaa kooxda Shabaab oo ay dowladda Mareykanka si...
War ka soo baxay Dowladda Itoobiya gaar ahaan Gudiga amniga ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 14 xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo qorshaynayay inay falal ka fuliyaan Jigjiga iyo magaalooyin kale oo kamid ah Dowlad degaanka Soomaalida.
Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinnada kala duwan...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay qaybteeda ka qaadanayso ilaalinta Xeebaha Badda Cas, oo baryahan danbe ay ka dhaceen falal amni daro oo la xidhiidha budhcad badeednimo.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka warbixiyay xaalada Badda Cas, ayaa sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay qabteen...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay si buuxda ugala wareegay kooxda Al-shabaab deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.
Deegaanada ay saakay la wareegeen ciidamada is kaashanaya ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar Cali Xayloow, kuwaas oo hoostaga magaalada Caad...
Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka qayb galay Shirweynaha 32aad ee Waxbarashada degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay Waxbarashada iyo dhibaataada uu leeyahay Qishka.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay Waxbarashada iyo meelaha ay ka liidato oo ay u horreyso Qishku, isagoo sheegay in dhinaca Qishka ardayda wax...


















