Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xildhibaannada labada aqalka ee kasoo jeeda degaannada SSC- Khaatumo, ayaa ku eedeeyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis, inuu faragelin ku hayo oo uu ka soo horjeedo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo. Bayaan ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxay dowladda federaalka ugu baaqeen  in dib u eegis dhamaystiran lagu sameeyo dhaqdhaqaaqyadii dublamaasiyadeed...
Doon ayaa lagu af-duubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, taasoo keentay qeylo dhaan ku saabsan dib u soo cusboonaanta burcad-badeedda Soomaalida kaddib ku dhawaad  toban sano oo xasillooni ah. Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in doon ganacsi ay dad aad u hubeysan ku qabteen meel u...
Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley) ayaa sheegay in markhaatiyadii isaga difaacayay ay Booliska Addis Ababa ugaysteen jidh dil iyo xarig, sida uu Cabdi Iley uu ka hor sheegay Maxkamadda. Cabdi Iley waxa uu sheegay in saddex maalmood ee u dambaysay xadhig iyo jidh...
Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Aboodin oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ah iyo...
Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay Macalin Ayman oo ahaa horjooge sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay macalin Ayman inuu ahaa horjooge ka dambeeyay abaabulka weeraro  Shabaabku ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna uu  yahay qodax...
Mid ka mid ah shaqaalihii la socday markab ganacsi oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah, oo dhaawac ah ayaa lagu guuleystay in ciidamada badda Hindiya ay ka daad gureeyaan markabka MV Ruen. Sida la sheegay, ninkan oo qaba dhaawac aad u culus, kana mid ahaa shaqaalaha markabka, ayaa waxaa...
Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan golaha dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa sheegay in aysan xuli doonin xildhibaanada beesha Dhulbahante uga qeyb gali jiray baarlamaanka maamulka Puntland. Garaad Jaamac ayaa sheegay  in uusan waxba iska beddelin mowqifkooda SSC- Khaatumo ee ku aaddan in xildhibaano cusub iyo kuwa xilka ka dhamaaday midna...
 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal ay iska kaashadeen oo ka dhacay gobolka Jubadda Dhexe ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubno ka...
Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho Allah u naxariiste Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo Shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti. Qabuuro ku yaala Isbitaalka xooga dalka ayaa lagu aasay meydka Marxuumadda, waxaana Salaadii janaasada ku Tukaday madaxda ugu sareysa dalka sida...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidamada amaanka ay maanta ka sameeyeen gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Ciidamada ayaa howlgalka kusoo qabtay hub sharco daro aha iyo dadkii watay hubka, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug Qalbi Axmed Cali. Taliyaha ayaa sidoo...