Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Ciidamada degaanka Soomaalida gaar ahaan qaybta ku qoran rugta baadhista ee magaalo Qaran ay qabteen Baastoolado iyo Rasaastoodii oo la rabay in lasoo galiyo magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida.
Hubkan la qabtay oo ka koobnaa 5 Bastooladood iyo 200 oo...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay ganacsatada la yeeshay kulan lagaga wada hadlayay sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsigii Badda Cas.
Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii...
Siyaasiyiin kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland, kuwaas oo wata saxiixyada isimadooda, ayaa warqadahooda u geystay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, sida aan ka xaqiijinay ilo xog ogaal ah oo si dhow ula socda arrimahan.
Siyaasiyiintan ayaa waxay u badan yihiin xubno katirsan...
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa diiday go’aankii kasoo baxay isimmada SSC- Khaatumo, kuwaas oo sheegay in aysan xildhibaano u xulidoonin maamulka Puntland.
Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare, ayuu ku sheegay in go’aanka ay gaareen Isimmada SSC- Khaatumo uusan waafaqsanayn habraaca loo marayo kala kala gurista labada...
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaraaha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay meelo ka mid ah maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayay ku sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka...
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.
Eedeysanahaan ayaa loo haystaa sida uu booliisku sheegay, in uu dilay Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeysanaha...
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyey Maareeye ku-xigeenka Hay’adda murtida iyo Madadaalada qaranka, Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku jooga Ethiopia.
ODA AWARD waa abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka la taaban karo ka sameeyey dhinacyada dhaqanka,...
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Isimmada dhaqanka ee Puntland ayaa ku baaqay in la ay isugu yimaado shir degdega ah oo looga tashanayo aayaha Puntland.
Boqor Burhaan ayaa sheegay inuu ixtiraamayo soona dhoweeyay go’aanka ay qaateen isimmadda SSC- Khaatumo, wuxuuna sheegay in go’aankooda uusan wax dhibaato ah u...
Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda.
Golaha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale sheegay in aysan jiridoonin cid kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo iskusoo...
Waxaa maanta dalka dib loogu soo celiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
Muwaadiniintaan ayaa tiro ahaan gaarayay 16 muwaadin oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa mudo ku xirnaa xabsi ku yaala dalkaasi Ruushka, kuwaas oo la xiray iyagoo tahriib ahaa.
Qaar ka...


















