Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Taliska ciidanka Booliiska Puntland ayaa shaaciyay magacyada labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo sarkaal oo katirsanaa ciidanka Booliiska Puntland. Taliska Booliiska ayaa amray in lasoo qabto Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo magaalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay inta u dhaxeysa degmada Xudur iyo deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool. Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Yoonis Aadan Xassan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay...
Musharraxiinta madaxtinimada Puntland ayaa ku dhawaaqay inay kalsoonidii kala laabteen guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay madaxweyne Deni kala shaqeynayaan inuu boobo kuraasta baarlamaanka. 15 musharrax oo ku midaysan bayaan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen, in cawaaqib xumada ka...
Madaxweynaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa sharuudo ku xiray siidaynta maxabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool. Madaxweynaha SSC- Khaatumo wuxuu sheegay,  siidaynta maxaabiista Somaliland  in ay ku imaan karto marka la gaaro heshiis nabadeed oo buuxa, islamarkaana maamulka Soomaliland uu joojiyo sida uu...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saakay ku dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hoobiyaasha ayaa intooda badan ku dhacay xaafadaha ku yaala agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah hoobiyaasha...
Dadka ku dhaqan magaalooyinka Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay iney si isxilqaan ah ku dayactiraan goobaha ay sida weyn u waxyeeleysay fatahaadii wabiga Shabeelle uu dhawaan ka geystay magaalooyinkaas. Goobaha ugu daran ee fatahaadii waxyeeleysay ayaa waxaa ka mid Buundooyinka ku yaala sadaxdaan magaalo iyo wadooyinka...
Warar dheeraad ayaa laga helaya kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah. Madaxweynaha iyo siyaasiyiintaan oo qaarkood xilal sare horay uga soo qabtay dowladda ayaa la sheegay iney ka wada hadleen arrimo badan oo la xariira xaalada siyaasadeed ee...
Raysal wasaaraha dalka Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa si cad u sheegay in maamulkiisa uu sii xoojin doono dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas ee ka socda marinka Gaza. Benjamin Netanyahu oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay qeybo ka mid ah dhulka Gaza ay kaga sugan yihiin ciidamadiisa ayaa ku...
Qoysaska bad maaxiyiin la socday Markab ganacsi oo ay bishaan december afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida, ayaa walaac ka muujinaya xaaladda nololeeed ee wiilashooda. Sarkaal ka tirsan ururka badmaaxiinta Myanmar oo magacooda loosoo gaabiyo MSF, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in wali qoysaska la haystayaasha...