Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarunta madaxtooyada dalka ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika Annette Weber. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Annette Weber ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada gobklka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad dhiska...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay si qarsoodi ah Itoobiya ula gashay heshiis qarsoodi ah oo dhinaca badda ah. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya. "Wasiirka...
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo badbaadin lahayd rakaabkii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab. Wasiirka wafaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inkastoo saraakiisha ciidamada ay sheegeen in ay...
Masuuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala qeyb galay kumannaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka  gobolka Banaadir, kuwaasi oo dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya. Dibad-baxayaashu waxay socod ku mareen waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho, lagasoo bilaabo km4  ilaa Daljirka-dahsoon,...
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay inuu la hadlay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka dhegaystay walaaca heshiiska Is-fahamka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland. Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa xusay in Golaha Ammaanka uu dhowr jeer ku celceliyay in uu ixtiraamayo Madaxbanaanida...
Diyaarad Helicopter ah oo uu leedahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku dhigay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay galabta si lama filaan ah ugu degtay dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab. Ugu yaraan lix ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee la socday diyaaraddaan ayaa haatan waxaa...
https://youtu.be/4giGdWb-qBM Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudoonka sare ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah heshiiyo amni oo ay sheegeen in Xukuumadda ay lasoo gashay dalalka Itoobiya iyo Imaraadka Carabta. Xildhibaanada ayaa dalbaday in golaha la hor keeno mooshinka si...
Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen iska hor imaad saakay ciidamo maleyshiyo beeleed ah ku dhexmaray degaanka Maraaga oo qiyaastii 7km dhinaca bari uga beegan magaalada Laascaanood. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray dhinacyadii dagaalamayay, iyo dhowr qof oo kale,...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu  kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka xoogga dalka sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxidiin Cadoow. Taliye Ibraahin Sheekh Muxidiin ayaa ugu horeyn madaxweyne Xasan Shekh warbxin ka siiyay xaalada dalka iyo halka ay...
Khasaare dhaawacyo ah ayaa ka dhashay iska hor imaad  saakay ciidamo maleyshiyo oo kasoo jeeda Puntland ku dhexmaray degaanka Maraaga oo katirsan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Iska hor imaadkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay muran dhexmaray labo ciidan beeleed, kuwaas oo isku haystay in muddo ah gaari uu saaran ahay...