La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay dagaal ay la gasho Itoobiya si looga hortago heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca badda, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian.
La taliyaha amniga qaranka ayaa yiri: "Waxaan raadineynaa dhammaan...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya aanu u istaagi doonin diidmada ay dowlada federaalku ka muujisay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.r Ciise Kayd Maxamuud oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegayin in dowlada federaalku anay awood u lahayn in ay hor istaagto heshiiska, talaabo kasta oo...
Iyadoo Maqribnimadii Xalay weerar dhagaxaan loo adeegsaday lagu qaaday gaari Bas ah oo ay saarnayeen Ciyaartooyda Xulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay dhaawacyo soo gaareen lix ka mid ah ciyaartoyda ayaa Wasiirka Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed wuxuu ku dhawaaqay iney isaga baxeen tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Wasiirka Wasaaradda...
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay shir madaxeedka IGAD oo dhici doona 18-ka bishan Janaayo, kaasoo looga hadli doono heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.
"Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Janaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan," ayaa lagu yiri bayaan uu...
Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa la la’yahay xilli ay howgallo ka wadeen xeebaha Soomaaliya Khamiista, sida uu sheegay taliska dhexe ee dowladda Mareykanka.
Bayaan kooban oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta uu socda si loo helo badmaaxiinta.
Bayaanka laguma sheegin macluumaad dheeri...
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar kooxda Al-shabaab ay u adeegsatay hoobiyaal khasaare geystay oo Xalay ay ku qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Weerarka hoobiyaasha ah ayaa la xaqiijiyay inu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobay, kaasoo ku sugnaa dhismaha Xafiiska...
Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa war kasoo saartay shir ku dhexmaray magaalada Garoowe madaxda maamulka Puntland, madaxdii hore ee maamulkaas iyo masuuliyiin xilal horay uga soo qabtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ee la xariira shirka ayaa laga soo saaray laba qodob oo kan koowaad uu ahaa in...
Dowladaha Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa sheegay iney taageerayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladda Soomaaliya.
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay iney rajeyneyso in dalalka gobolka ay xalin doonaan arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisada culus ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyago u maraya hab diblomaasiyadeed.
"Shiinuhu waxuu dawladda Faderaalka...
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan tuulada Qoolbulaalle ee dhacda xadka Somaliland iyo Itoobiya ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliiska Somaliland iyo qof shacab ah.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Hargaysa, halka qofka shacabka ah ee la dilay oo ahaa wiil dhallinyaro ahna lagu magacaabi jiray...
Taliyaha ciidanka Nabadsugida magaalada Baledweyne Kabtan Aweys Maxamed Cali ayaa goordhow ku dhawacmay shaqaaqo ka dhacday Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.
Shaqaaqada uu ku dhaawacmay taliyaha waxa sidoo kale ku geeriyooday askari ka mid ahaa ilaaladiisa oo ka tirsana ciidanka NISA.
Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu rasaas ku furay taliyaha...


















