Tuesday, August 4, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Waxaa socda hawlgalo baadi goob iyo samatabixin ah oo lagu baadigoobayo laba badmaax oo ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka kuwaas oo lagu waayey meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka Jimcihii. Labada badmaax ayaa la sheegay in la la’yahay illaa habeenimadii Khamiista ee todobaadkii hore, xilli...
Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay xarigga saddex kamid ah shaqaalaha shirkadda hormuud inuu ka dambeeyo, kadib markii ay shirkaddu diidday in fatashaad lagu sameeyo dhaqdhaqaaqa iyo koontooyin maaliyadeed oo ay leeyihiin shakhsiyaad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab. Warsaxaafadeed NISA kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Hormuud ay...
Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamada nabad sugidda inay si sharci darro ah xabsiga u dhigeen saddex kamid ah maamulka shirkadda oo ka howlgalayay xarunta Hormuud ee Tareebiyaano. Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda Hormuud ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gesteen Khalkhal galin iyo ku tagrifal awoodeed, waxaynu shirkaddu...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay Taiwan inay tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha. “Soomaaliya iyadoo ka duulaysa ka go’anaanshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaramada Midoobay, waxay u dooddaa inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dhammaan ummadaha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya. Wasaaradda...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynaha. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa maxaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb. Ujeedka safarka...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka ah Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta. Safiiraddaan oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu kala magacabaa Marwo Namgya Choden, Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Abdullahi Mutlaq Al Otabi. Danjirayaasha cusub...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta markale si kulul uga hadlay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay ineysan marnaba dhici doonin in taako ka mid ah dhul Soomaaliyeed ay qaadato Itoobiya. "Dhulka Soomaaliyeed hees...
Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, u dooratay inay ku metasho Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Sanadaha 2025-2028. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay tallaabadan  qeyb ka tahay xoojinta doorka ay ku leedahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolkaba. Xildhibaan Fowsiyo ayaa horey usoo noqotay wasiirkii hore ee arrimaha...
Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Addis Ababa ay wajaheyso cadaadis caalami ah oo ku wajahan in ay ka noqoto heshiiskii is-afgaradkii ay la gashay Somaliland. Wasiirka arrimaha dibbada ahna raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa sheegay inkastoo ay wajahayaan cadaadisyo caalami ah, haddana wuxuu ku celceliyay in Itoobiya ay...
La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay dagaal ay la gasho Itoobiya si looga hortago heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca badda, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian. La taliyaha amniga qaranka ayaa yiri: "Waxaan raadineynaa dhammaan...