Dowladda Soomaaliya ayaa u diiday diyaaradda Ethiopian airline in ay duulimaad aan la qorshayn oo aan fasax loo haysan ay kusoo gasho hawada Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Soomaaliya ay si kooban u hakisay dhammaan duullimaadyadii diyaaradda Ethiopian airline ee soo galayey Soomaaliya Arbacada maanta ah, si ay xoogga...
Waxaa maanta oo Arbaco lagu wadaa iney kulan dhanka fogaan araga ah yeeshaan Ururka Jaamacadda Carabta, kaasoo looga hadlayo xadgudubka Itoobiya oo ay ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.
Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Ururka Hossam Zaki ayaa Axadii lasoo dhaafay shaaciyay in maanta oo...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo heshiiskii dhawaan dhex maray dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
War kasoo baxay aqalka Cad ayaa walaac looga muujiyay in heshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada.
John Kirby, isuduwaha xidhiidhka golaha amniga qaranka Maraykanka, ayaa...
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay soo iibsatay diyaarado dagaal oo nooca jiilka shanaad ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo casri ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ku xoojinayso ciidamadeeda cirka.
Warkan oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Facebook kuleeyihiin Ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegay inay Itoobiya hantiday...
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku geeriyooday, labo qofna way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay maqaayadda Alhindi oo kutaala degmada Xamarweyne.
War kasoo baxay ciidanka booliiska ayaa lagu sheegay in qof naftii halliga ah oo ay eryanayeen ciidamada amniga ee dowladda uu isku qarxiyay bannaanka hore...
Shirka Deg Degga ah ee ay Isugu Imaanayaan Dalalka IGAD oo Ethiopia Sheegtay in aysan ka Qeybgelayn.
Iyadoo hal maalin oo kaliya ay ka harsan tahay waqtiga loo iclaamiyay shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda ayaa dowladda Itoobiya ay ka cudur daaratay ka qeybgalka shirkaas.
Shirkaan oo uu dhawaan Iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah mid looga hadlayo...
Dowladda Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciidamada nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya ayaa ciidan cusub oo xoojinaya ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya u soo dirtay.
Ciidamadaan cusub ayaa ah kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya kala qeyb qaadanaya xoojinta amniga, la dagaalanka Ururka Al-shabaab iyo waliba Kordhinta wadashaqaynta ka dhaxaysa...
Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in dowladaha gobolku gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ay ka warqabeen isfahamka ay la gashay Somaliland kahor inta aan la saxeexin kowdii bishan.
Lataliyaha Amaanka ee Raysal Wasaare Abiye Axmed Redwan Xuseen, ayaa sida Addis Standard qortay sheegay in kahor intii aan heshiiska la gaadhin ay...
Waxaa socda hawlgalo baadi goob iyo samatabixin ah oo lagu baadigoobayo laba badmaax oo ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka kuwaas oo lagu waayey meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka Jimcihii.
Labada badmaax ayaa la sheegay in la la’yahay illaa habeenimadii Khamiista ee todobaadkii hore, xilli...
Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay xarigga saddex kamid ah shaqaalaha shirkadda hormuud inuu ka dambeeyo, kadib markii ay shirkaddu diidday in fatashaad lagu sameeyo dhaqdhaqaaqa iyo koontooyin maaliyadeed oo ay leeyihiin shakhsiyaad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.
Warsaxaafadeed NISA kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Hormuud ay...


















