Wasiirka Arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu horkacayo dagaal lagaga soo horjeedo Somaliland.
Waxa uu sheegay in kadib markii uu is fahamku badu dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyay dagaalo lagaga soo horjeedo Somaliland, isla markaana uu abaabulay bulshadiisa.
"Arrintii...
Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay Caadil Cabdillaahi Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo 28 jir ah, kaasoo ka tegay Muqdisho, laguna qabtay dagaalka Ukraine.
Ninkaan oo bixiyay wareysi kooban ayaa la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine. Ukraine waxay horey u sheegtay inuu kamid...
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay askari ka tirsan ciidanka Booliiska oo galabta askari hore kale ku dilay xaafada Xaawa taako ee degmada Wadajir.
War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo eedeysane lagu magacaabo...
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, oo wareysi siiyay Idaacadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT, ayaa sheegay Somaliland in aysan xaq u lahayn inay heshiisyo caalami ah galaan.
Raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Somailand ay qeyb ka tahay oo ay katirsan yihiin...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo u diray si uu qeyb uga qaado dadaallada iyo wada-xaajoodyada looga hortago xiisadaha sii xumaanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.
Xiriirka labada dal ayaa gaaray meeshii ugu xumayd, ka dib markii Somaliland uu...
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar, Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.
Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siin doona...
Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Fiidoow oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Shabaab oo sadax ka mid ah ahayeen...
Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa geeriyooday, saddex kalena way dhaawacmeen kadib markii uu nin hubaysani dad shacab ah xabad ku furay deegaanka Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer ee Somaliland.
Sida uu Maayarka degmada Qoryoole Xabiib Cige u sheegay Gallaydh Media, ninka ayaa dad shacab ah xabad ku furay, Cige...
Gaari dameer ah oo siday walxaha qarxa ayaa lagu weeraray bar kontorool oo ku taal xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya afar kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya, ayaa lagu sheegay in gaari dameerkaan oo uu watay...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin meel lagu dhex dhexaadinayo khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, haddii aysan Addis Ababa baabi'in heshiiska muranka badan dhaliyay oo ay la gashay maamulka Somaliland.
“Ma jirto wax dhex dhexaadin ah ilaa Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka sharci darrada ah oo ay dib u xaqiijiso...


















