Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maalinka Jimciha ah ee Maanta Ayaa lagu dilay Lataliyihii Ilaalada Kacaanka Iiraan ee Dimishiq weerar gantaal ah oo ay Israa’iil la beegsatay degmo ku taal koonfurta caasimadda Suuriya Dawladda Suuriya Wakaaladeeda wararka ee SANA, oo soo xiganaysa ilo milateri, ayaa sheegtay in milatariga waddanku uu soo riday tiro gantaallo ah...
Wararka Naga Soo Gaaraya Gobolada Waqooyiga Soomaaliya Ayaa Sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay kasoo gudbeen Xuduud Beeneedka Labada Dal Ciidamada ayaa Qaar waxa ay ku Socdaan baa La leeyahey Goobtii Loo Calaamadiyey Saldhiga Ciidamada Ethiopia iyadoo ay hore usii Joogeen Ciiidamo Soomaaliya oo Taliska Muuse Biixi uu halkaa...
Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada caalamka ayaa laga fuliyay deegaannada Jacar iyo Garab la’ ee gobalka Galgaduud ee Galmudug. Howlgalkan ayaa lagu burburiyay labo xarun oo ahaa kaydka hubka iyo gaadiidka ee kooxda Alshabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda nabad sugidda ee NISA. Hay’adda...
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto ay ku mamnuuceyso Bacaha halka mar la isticmaalo. Wareegtada kasoo baxday Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa lagu sheegay in isticmaalka Bacaha halka mar ay halis ku yihiin deegaanka. Wasaaradda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku...
 Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Website oo ay sheegtay iney ka xirtay kooxda Al-shabaab. Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ah kuwii ugu waa weyna oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda oo laga daalacan karay kaliya dhanka Dibadda, maadama...
Hay’adda caalamiga ah ee daahfurnaanta adduunka  ayaa waxay soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ay ku qiimayso heerka musuqmaasuqa adduunka (CPI). Hay’addu waxay baartay 180 waddan oo mid walba lagu qiimeeyay 100-dhibcood. Qorayaasha warbixintan waxay tilmaameen in dhibaatada musuqmaasuqu aanay wax badan iska beddelin adduunka oo dhan. Hay’addu waxay sheegtay in Soomaaliya...
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan, taasoo ka dhigan in la soo gaba gabeeyay wajigii labaad ee dhimista ciidanka ATMIS. Todobo ka mid ah sagaalka saldhig ee ciidamada ATMIS ayaa Isniintii lagu wareejiyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho...
Hawlgal ay iska kaashadeen hay’adda nabad sugidda ee NISA iyo Saaxiibada caalamka ayaa laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo la sheegay in lagu soo afjaray nolosha 6 horjooge oo katirsan Shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in horjoogayaashan ay Alshabaab muddo dheer...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray bartiisa Facebook kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada dalka. Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegay in kulankii dhawaan uu madaxweyne Xasan Sheekh kula qaatay magaalada Doxa inuu kala hadlay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu buuq badan ka abuuray gobolka, isla markaana uu ka cadhaysiiyay dowlada Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlayay shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada ayaa sheegay in heshiisku uu buuq badan dhaliyay. "Heshiiskii madaxweynuhu uu lasoo sameeyay Itoobiya,...