Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadahii lasoo dhaafay halkaasi ay dad badan ugu dhinteen Cudurka Shuban Biyoodka.
Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaanka Xawaadley iyo deegaanada hoostaga ayaa lasoo warinaya iney u geeriyoodeen ilaa 18 ruux oo u badan caruur, waxaana...
Khilaafka Ethiopia iyo Soomaaliya oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobey Ku Soo Dhextuurey IGAD iyo AU.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u soo jeediyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo AU, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Amb. Meles Alem Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo...
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berito oo Isniin ah kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fariin qoraal ah loogu diray Mobeyladooda lagu wargaliyay in berito ay soo xaadiraan kulanka Golaha Shacabka, kaasoo looga hadlayo...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ah duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa booqasho ku tagay gurigii dhawaan lagu gubay Luul Sheekh Cabdicasiis oo aheyd hooyo xaamilo ah oo uu gubay ninkeedii.
Gudoomiye Yuusuf Madaale oo ay booqashada ku wehlinayeen xubno ka tirsan dowladda ayaa balan qaaday inuu kafaala qaadayo...
Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kusoo bandhigay magaalada Muqdisho horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Horjoogaha NISA ay soo bandhigtay ayaa magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud oo loo yaqaano Muxiyadiin Daqare, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa gacan yarayaasha hogaamiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Diiriye.
"Horjoogahan oo...
Wafdiga Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo shan maalmood qaadatay oo ay ku joogeen Soomaaliya, iyagoo dib u xaqiijiyay in Midowga Afrika ay ka go'an tahay dhameystirka xilliga kala guurka ee ammaanka dalka dhammaadka 2024-ka.
Wafdiga uu hogaaminayay, Alhaji Sarjoh Bah, oo ah agaasimaha maaraynta khilaafaadka ee Waaxda...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Shabaab ay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa dadka...
Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Shalay uu halkaasi si naxariis daro ah uu ugu dilay nin dhalinyaro ah Xaaskiisa.
Ninka ayaa dilka Xaaskiisa u adeegsaday sida la sheegay Tooreey af badan oo uu kaga dhuftay dhowr meelood oo halis badan,...
Wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa isugu yimid shir fogaan arag ah oo looga arrinsanayay horumarinta hannaanka maaliyadda dalka, kaddib markii Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa.
Wasiirrada ayaa isku raacay in loo baahan yahay in la keeno qorshayaal cusub oo lagu kobcin karo dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka...
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongarayska Maraykanka, ayaa la kulantay mowjado weeraro dhanka afka ah, kuwaas oo ka dhashay markii ay dhawaan ka hadashay khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Masuuliyiin hore oo Maraykan ah oo uu kamid yahay Barasaabkii hore ee gobolka Florida, ninka lagu magacaabo Ronald Dion...


















