Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo maanta hortagay Golaha Wakiilada Shacabka ee Itoobiya ayaa jawaabo ka bixiyay su'aalo ay wakiilada shacabku ka waydiiyeen heshiiskii is afgarad ee dhinaca Badda ahaa ee bil ka hor Itoobiya la gashay Somaliland.
Abiyi Axmed waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya aysan marna rabin inay...
Waxaa galabta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ah nin ku eedeysan inuu dhawaan Muqdisho ku gubay Xaaskiisii oo Xaamilo aheyd.
Ninkaan eedeysanaha ah ayaa baadi goob dheer kadib ciidamada amaanka ka soo qabteen isagoo ku dhuumaaleysanaya deegaanka Cadeyleey ee...
Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa saaka sannad iyo lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo shalay Hargeysa lagu xidhay sida uu walaalkii u xaqiijiyay Warbaahinta Qaarkeed..
Abwaanka ayaa shalay xabsiga loo taxaabay kadib markii uu aabihi ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq, isaga...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale fariin adag u diray dowladda Itoobiya oo ku aadan damaceeda ku aadan iney hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Itoobiya iney meel iska dhigto damaca iyo xadgudubka ay hankeeda ku hayso, islamarkaana aysan...
Aabaha Dhaley Allaha U Naxariistee Luul C/casiis oo Dalbadey in Loo Qisaaso Ninkii Gubey Gabadhiisa.
Aabaha dhalay gabadhii dhawaan ninkeeda uu ku gubay gudaha magaalada Muqdisho Sheekh Cabdicasiis Maxamed oo ka hadlay soo qabashada ninkii dilay gabadhiisii Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa ugu horeyn u mahadceliyay madaxda dowladda Fedaraalka.
Sheekh Cabsicasiis Maxamed ayaa dalbaday in loo qisaaso ninka gubay gabadhiisii oo xaamilo aheyd oo haatan ku...
Cutubyo ka tirsan ciidamada badda Hindiya ayaa la geynayaa biyaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti, Gacanka Cadmeed, Xeebta Bari ee Soomaaliya iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Badda Carabta.
Ujeeddada loo geynayo ciidamada Hindiya halkaas ayaa ah si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyadoo la eegayo xaaladda amniga badda ee gobolka sida...
Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Booliiska, Nabadsugida iyo kuwa difaaca dadweynaha ayaa lagu soo qabtay galabta Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ah ninkii dhawaan Xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gubay gudaha magaalada Muqdisho.
Howlgalka lagu soo qabtay ninkaan Xaaskiisii gubay ayaa ka dhacay deegaanka Cadeyleey...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay dad kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo Xalay ka dhacay degmada Baled xaawo ee gobolka Gedo.
Weerarka ayaa lagu dilay ilaa 7 ruux oo lix ka mid ah yihiin Oromo iyo haweeney Soomaali ah, waxaana lagu eedeeyay weerarkaasi iney ka dambeeyaan kooxda...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta toban sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo katirsan kooxda Alshabaab.
Sida uu sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada, xukumanaha ayaa lagu helay dambi ah, inuu Alshabaab u...
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, markii dambena ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, Gedu Andargachew, ayaa wararku sheegayaan inuu si qarsoodi ah ugu goostay dalka Belgium, wararka ayaa ku waramaya in Gedu uu ku qasbanaaday in uu isticmaalo Baasaboor Diblomaasi ah.
Bishii hore, waxaa la sheegay...


















