Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamiga ah ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Duqeyntaan ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay deegaano dhaca jiinka Wabiga.
War qoraal ah oo...
Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal ka dhan ah dadka kasoo jeeda Itoobiya ee u badan qowmiyadda Oromada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugusii qulqulaya halkaas.
Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada badda Puntland iyo kuwa booliiska, ayaa lagu xiray dad badan oo Oromo ah oo ...
Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mawqif mabda'a ka qaataan ku xad-gudubka ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ee Soomaaliya.
“Waxaan ugu baaqaynaa dowladaha xubnaha ka ah inay mowqif mabda’ ah ka qaataan MOU-ga sharci darrada ah,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Warka...
Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa'id warbaahinta u qabtay ayaa sheegeen iney qarka u saaran yihiin iney xiraan goobahooda ganacsiga Suuqa Bakaaraha.
Ganacsatadaan ayaa sheegeen iney maaro u la yihiin askar ka tirsan ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa maamulka gobolka Banaadir oo...
Safaaradda dowladda Mareykanka ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay weerarkii Xalay ka dhacay xerada Jenaraal Gordan ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay saraakiil u dhalatay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.
War qoraal ah oo kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday weerarka...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xalay ku dhawaad toban hoobiye lagu garaacay gudaha deegaankaas.
Hoobiyaasha lagu weeraray deegaanka Camaara ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray guryo dad shacab ah daganayeen.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in mid ka mid...
Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay geeriyoodeen saraakiil ciidan oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Baxreyn oo ay weheliyaan labo kale oo lagu dhaawacay weerarkii xerada Janaraal Goordan.
Wasaaradda waxay sheegtay in saraakiishaan ay geeriyoodeen iyagoo gudanayay waajibaadkooda ku aaddan tababarida...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraalka ay soo saareen masuuliyiintaan ayaa waxay kaga hadleen arrimo badan oo xasaasi...
Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka saareen 5,000 oo Askari, iyo 13 Saldhig oo Ciidan oo ay ku wareejiyeen ciidanka hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee dhimista ATMIS.
Taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo khamiistii...
Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan kusoo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Howlgalka lagu soo qabtay horjoogahaan oo magaciisa lagu sheegay Mowliid Cali Dhuxulow ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada kala ah Masagawaa iyo Waniinle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
"Horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow oo...


















