Tuesday, August 4, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Kooxo hubaysan ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade lagu magacaabo Axmed Tahliil, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi oo kutaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dableyda dishay ayaa goobta isaga baxsaday markii ay falkaan geystaan, lamana oga cidda ay katirsan yihiin iyo sababta loo dilay ganacsadahan. Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi ee Puntland, ayaa...
Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa. Kulamada qabsoomay waxaa qayb muhiim ah ka ahaa shir ay isugu...
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warsaxafadeed ay si wadajir ah usoo saareen si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Warsaxafadeedka ayay ku sheegeen labada madaxweyne inuu fashilmay dadaalo ay doonayeen iney ku dhameeyaan khilaafka ka dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo...
Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabooyinka dowladda federaalku waddo ee ay ku doonayso inay wax kaga beddesho dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka. Wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo inuu meesha ka saaro heshiiska  dowladnimada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay...
Xukuumada Somaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa ku heshiiyay in doorashada wakhtigeeda la qabto, in hawada Somaliland lasoo celiyo iyo in heshiiska Itoobiya la hirgaliyo. Kadib shir ay madaxtooyada ku yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay wehliyaan siyaasiyiin deegaankaas ah. Wasiirka ayaa masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta reer Awdal ugu horeyn uga mahadceliyay sida ay ugu soo horjeesteen...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho, kadib toogashadii dhawaan lagu dilay saraakiil u dhalatay dalkaas ee ka dhacday xerada Janaraal Goordan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaas kulan is xogwareysi iyo tacsiyeyn ah kula qaatay...
Saxiimad sidday koox burcad badeed ah oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada badda ee dalka Hindiya ayaa kusoo caariday xeebaha Puntland, sida uu Warbaahinta Qaarkeed u sheegay qof ku sugan degaanka Garacad ee gobolka Mudug. Burcad badeedda oo ahaa 11 qof ayaa muddo dhowr maalmood ah badda kusoo jiray,...
Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay Macalin Iskuul oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar. Cabdiraxmaan Maclow ayaa Macalin ka ahaa Iskuulka Siidii ee ku yalaa degmada Wadajir, waxaana la sheegay in loo dilay gabar ardayad ah uu canaantay darteed, waxana...
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa ka doodaya wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah qodobada ugu horeeya ee Dastuurka KMG ah. Dooddan oo socon doonta 14-ka Feberaayo ilaa 19-ka bishan ayaa ah tii ugu horeysay ee loo qaado dhameystirka dastuurka tan iyo sannadkii 1960kii Labada gole ayaa loo qeybiyay...