Wasaaradda Amniga Gudaha oo Shaacisay Hawlgal Ka Dhan ah Al-shabaab iyo Xilliga Lasoo Afjarayo

0
53

Wasiirka cusub ee Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka hadlay xiliga lasoo afjari doono howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda guud ahaan dalka.

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlgalada lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab iney ka socdan dhamaan deegaanada dowlad goboleedyada dalka, islamarkaana bisha April ee sanadka soo socda ee 2025 guud ahaan dalka la xureyn doono kooxda.

Wasiir Fartaag ayaa tusaale usoo qaatay in howlgalada ka socda deegaanada ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug laso gabagabeyn doono bilaha soo socda.

“Waxaa la xaqiijiyay in nimanku tabar iyo xoog midna lahayn oo ay ahayd waxoodu argagixisanimo, boor isku qarin iyo waxaan loo joogin iyo caga jugleyn, waxaan filayaa bishan bisheeda in iyadoo dalka Soomaaliya laga nadiifiyay Khawaarijta inaan ku gaari doono, maxaa yeelay maamulka Galmudug billahan nagu soo fool leh in Khawaarij laga weyn doono, hadda Hirshabeelle ayaa loo soo jeesan doonaa iyana waa noo fududaan doontaa inaan Khawaarijta ka ciribtirno” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Cabdulaahi Sheekh Ismaciil Fartaag.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale xusay in Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka ay uga ciribtiri laheyd kooxda Al-shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka cusub ee amniga gudaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kooxda Al-shabaab mudooyinkii dambe ay kordhisay weerarada ay ka fulineyso xarumaha ciidanka dowladda ay ku leeyihiin qaar ka mid ah gobolada dalka.