Qoyska Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa shaqaale ka tirsan maamulka hawada Soomaaliya oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho, ayaa dilkiisa ku eedeeyay Hay'adda Sirdoonka ee NISA.
Garyaqaan Fahad oo kamid ah ehelada Dahable, ayaa sheegay in kahor intii aanu dhiman uu Dahable aabihii iyo xaaskiisa u sheegay in la rabo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay Xalay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo war kooban kasoo saartay weerarkaas ayaa sheegtay iney ka hortagtay weerarka Al-shabaab, kadib markii...
Cabdinasir Muuse Dahable, oo katirsanaa Shaqaalaha Hay'adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya, kaasoo Muqdisho ka hawl galayay ayaa xalay meydkiisa laga helay gurigii uu ka daganaa Muqdisho.
Sarkaalkan ayay wararku sheegayaan inuu u geeriyooday jirdil loo geystay, inkastoo aysan jirin warar rasmi ah oo arrintaas xaqiijin kara.
Booliiska Soomaaliya oo war...
Wararka nagasoo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in rag ku labis dareeska ciidanka amniga ay kufsi wadareed u geysteen gabar yar oo 13 jir ah oo kamid ahayd dadka barakacayaasha ah.
Sida aan kasoo xiganay warbaahinta gudaha Puntland iyo dad goob joogayaal ah, falkaan ayaa salaaddii...
Mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig ayaa laga siidaayay Xabsiga Dhexe ee Hargaysa kadib markii ay Maxamada Gobolka Maroodijeex wax danbi ah ku wayday, 43 maalmood oo uu xidhnaa kadib.
Wariye Ilig oo waraysi kooban siiyay MMTV markii lasoo daayay, ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay in uu xoriyadiisa dib...
Labo dhakhtar oo dalka Cuba u dhashay oo gacanta ugu jiray kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay, sida ay kooxda Alshabaab sheegtay.
Kooxda Alshabaab ayaa war ay ku baahiyeen bartooda Telegram ku sheegay in dhaqaatiirtaasi ay ku geeriyoodeen duqeyn uu Khamiistii Mareykanka ka fuliyay gobolka Jubbada...
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka Somaliland oo wali lagu muransanyahay, xeerka ayaa lagu meelmariya sidii ay guurtidu u soo gudbisay.
Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in xeerku uu dhaqangalyahay, hadii uu madaxweynuhu saxeexi waayana uu goluhu awood...
Dowladda Itoobiya ayaa iska fogeysay eedeymo dowladda Soomaaliya ay usoo jeedisay oo ahaa in ay carqalad ku sameysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh xilli uu doonayay inuu ka qeyb galo shirka Midowga Afrika.
War saxaafadeed ay soo saartay Itoobiya ayaa waxay ku adkeysatay inay si wanaagsan u soo dhaweysay madaxweyne Xasan...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay xadgudub diblumaasiyadeed oo ay dowladda Itoobiya kula kacday wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa uga qeyb galaya shirka Midowga Afrika.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya sameysay Xadgudub si ay...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya...

















