Roobabka Guga ayaa si rasmi ah curtay inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan oo mudooyinkii dambe ay ka jireen kuleel aad u daran oo aan noociisa waayahii dambe la arag.
Magaaloiyinka Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Halgan, Maxaas iyo Moqokori ayaa dhamaantood waxaa saacadahii lasoo dhaafay ka da’ay roobab aad u wanaagsan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyadaba.
Magaalooyinka gobolka Hiiraan oo ay ugu horeyso Baledweyne ayaa tan iyo bishii Ramadaan waxaa ka jiray kuleyl aad u daran oo ay si weyn isku weydiinayeen dadka ku nool gobolka.
Todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa noqotay magaalada ugu sareysay dhanka heerkulka kuleelka oo gaaray 43.
Si kastaba ahaatee roobabka Guga ayaa sidoo kale la xaqiijiyay iney ka caruteen deegaano ka tirsan maamulada kala ah Galmudug, Puntland, Koonfur galbeed, Jubbaland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Roobabkaan ka curtay inta badan gobolada dalka oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunayada ayaa waxaa daba socda cabsi xoogan oo laga qabo iney ka dhashaan daadad iyo fatahaado ay sameyn karaan wabiyada Shabeelle iyo Jubba.
Dhanka kale Saddex caruura oo walaalo ah ayaa geeriyooday kadib markii uu daad ku qaaday deegaanka Xididaley ee Gobolka Saaxil ee Somaliland.
Geerida caruurta ayaa timid ka dib markii uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay roobabka gu’ga oo ka curtey deegaanadaas, caruurta dhimatay ayaa iskugu jira 2 hablood iyo hal wiil, oo qoys kasoo wada jeeda.
“Reer dhan ayuu roobku qaaday caruurtii iyo adhigiiba, odayga iyo islaantuna way ka maqnaayeen ayaa la yidhi, waxa uu qaaday 4 caruura, markaa inan wuu noolyaha oo daadka waa laga reebay, 2 hablood iyo inana way dhinteen” waxa sida Warbaahinta Xukuumada u sheegay masuul ka tirsan maamulka gobolka Saaxil.
Waxa uu sheegay in caruurta daadku qaaday ay ahaayeen xoolo dhaqato reer guuraa ah oo goobtan oo naq helay kasoo raadsaday daaq iyo biyo kadib markii ay ka da’een roobabab, waxa uu xusay in reerku ay dageen goob biyo mareen ah.
Waxa uu inta ku daray in roobku uu da’ay saq dhexe, isla markaana ay caruurtu hurdeen xiliga uu daadka qaaday, taasina ay keentay in uu daadku uu ka dul boodo madaama oo ay ahaayeen reer guuraa aan haysan sariiro iyo guryo fiican toona.
Caruurta geeriyootay ayaa galabta lagu aasay deegaankii uu daadku ku qaaday, waana khasaarihii ugu waynaa ee ilaa hada ay gaystaan roobabka gu’ga ee ka curtay Somaliland.













