Waxaa Maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu toogtay nin dhalinyaro ah oo sanadkii lasoo dhaafay ku dilay gudaha magaalada Kismaayo hooyadii isaga dhashay.
Maxkamadda Darajada koowaad ee magaalada Kismaayo ayaa xukunkaan dilka ah ku fulisay ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Cabdullaahi Cabdi, kaasoo dilka...
Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo Waraysi siiyay Warbaahinta EBC ayaa ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya, sababta ay u joogaan Ciidamadaas iyo waxa ay ka qabtaan gudaha Soomaaliya.
Taliyuhu waxa uu ugu horreyn sheegay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo aroornimadii hore ee saakay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Dabkaan ayaa si gaar ah uga kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaala Suuqa Cabdalle shideeyaha iyo wadada isku xirta dhismaha Shirkadda Somtel.
Lama oga wali...
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay soo dhameystiray liiska golihiisa wasiirrada, isagoo magacaabay wasiir ku xigeeno iyo wasiir u dowlayaal.
Deni wuxuu magacaabay 22 wasiir ku xigeen iyo 14 wasiir u dowle. halka uu horey u magacaabay 21 wasiir, waxaana marka la isku daro ay isku noqonayaan 57 xubnood.
Halkaan...
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ay sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab.
Hay’adda NISA waxay sheegtay in Abuukar Axmed Caddow Tifoow uu in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda.
Abuukar ayaa intii...
Diyaarad xamuul ah oo raashin iyo koox macallimiin ah u wadday ciidanka ATMIS ayaa maanta oo Sabti ah shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, ka dib markii ay ka baxday dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha Jowhar Mukhtaar Abuukar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay...
4 nin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
War qoraal ah oo ka soo baxay booliiska Sweden, ayaa lagu sheegay in afarta qof looga shakisan yahay in ay u diyaar garoobeen samaynta dembiyo argagixiso.
Lama shaacin xog ku...
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Arbacadii ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee sida weyn u saameysay rakaabkii doonayay iney ka duulaan garoonka oo saacado badan xayirnaa.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed...
Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay magacaabista guddoomiyaha Bangiga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee Bangiga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah iney noqoto...
Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa uga digay dowladda Itoobiya inay soo faro galiso arrimaha gudaha ee degaanada maamulkiisa.
Hoggaamiye Firdhiye oo maanta kumanaan shacab ah kula hadlayay fagaare kuyaala magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay jiraan warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah la dul keenayo degaanada SSC uu...


















