Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil loogu geystay wiil Soomaali ah magaalada Sheffield ee dalkaasi Ingiriiska. Wiilka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Sacad Cali ayaa la sheegay iney geysteen dilkiisa kooxo ku hubeysnaa Tooreey, kuwaas oo marxuumka dhowr meel kaga dhuftay Tooreeyda. War kooban oo kasoo baxay Booliiska gobolka...
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maanta isaga baxay fariisamahii ay ku lahayeen xarumaha maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne. Ciidamada Jabuuti ayaa mudo aad u dheer oo ka badan 10 sano ku sugna fariisimaha ay maanta isaga guureen...
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Qaramada Midoobay ayaa bilaabay kulamo looga wadashanayo wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Souef Mohamed Elamine oo ah madaxa ATMIS iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa...
Warar dheeraad ayaa kasoo baxay dil naxdin leh oo Xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kadib markii Aabe 80 jir ah uu gacantiisa ku dilay wiilkiisii. Aabaha 80 jirka ee dilka u geystay wiilkiisa ayaa yimid, kadib markii ay dagaalameen isaga iyo wiilkiisa, waxaana la sheegay in odaga...
Mareykanka ayaa ballan qaaday in $100M uu ku bixinayo saldhigyo cusub oo militari, oo looga gol leeyahay in ciidanka Soomaaliya ay kala wareegaan ammaanka ciidanka ATMIS dhamaadka sanadka. Taageeradan ayaa laga sheegay, kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur iyo Sii-hayaha safiirka Mareykanka. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada...
Wararka ka imaanaya Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney isaga baxeen magaalada Bacaadweyn. Ciidamada is kaashanaya ayaa wararku sheegayaan in galinkii hore ee maanta ay soo faarujiyeen fariisamihii ay ku lahayeen magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Qaar ka mid ah dadka ku nool Bacaadweyn...
Hay’adda MF ayaa soo saartay Warbixin ku saabsan natiijada horumarka Maaliyadda Soomaaliya kadib shir qaatay muddo labada toddobaad ah oo ay yeesheen Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF. Warbixinta IMF kasoo baxday ayaa lagu yiri,” Soomaaliya waxay sii waday horumarinta hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxqabadka fulinta ajanduhuna waxa uu ahaa mid xooggan, dadaalkaas...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa amaro adag kasoo saaray xurmeynta bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiye Madaale ayaa si gaar ah digniin ugu diray Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, isagoona faray ineysan furi karin goobaha laga cunteeyo inta lagu guda...
Somaliland ayaa u digtay waddamo anay magac dhabin oo ay sheegtay in ay rabaan in ay faraha lasoo galaan isfahamka ay la saxeexatay Itoobiya. Qoraal lagu baahiyay bogaga Wasaarada Arrimaha Dibadda, ayaa lagu sheegay in Somaliland anay marnaba aqbali doonin waxkasta oo ka hor imanaya danteeda."Somaliland waxay si aan ka...
Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa Caawa oo Isniin shaacisay in bisha Ramadaan laga arkay dalkeeda, islamarkaana maalinta berito la soomi doono. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in magaalooyin ka mid ah dalkeeda laga arkay dhalashada bisha Barakeysan ee Ramadaan beritana ay tahay maalinka koowaad. Guddigga Culimada ee Sacuudiga u qaabilsan xaqiijinta bisha Ramadaan...