Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga magaalada Muqdisho ka sii deysay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay dalka Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalla Iran ee IRNA.
kalluumeysatadan iyo badmaaxiyiintan ayaa dib ugu laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour.
Gholampour ayaa intaa ku daray...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sharciga horkeenayso shabakaddii ka dambeysay abaabulka weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel SYL ee magaalada Muqdisho.
Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda ayaa lagu sheegay in hay'adda NISA ay gacanta kusoo dhigtay 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in lagu guulaystay...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimid safar uu qorsheynayay inuu ku tago deegaanada Khaatumo State.
Farmaajo ayaa sheegay in qorshaha ay ugu jirtay inuu safar ku tago magaalada Laascaanood...
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay, in aysan jirin cid hor istaagi karta wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.
Wasiir Fiqi waxa uu sheegay, dowladdu in aysan u joojin doonin siyaasiyiin isku tagay oo ka hor yimid wax ka beddelka dastuurka, isagoo...
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Cali Guudlaawe ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan waxaa loogu magacaabay inuu noqdo Muuse Salaad Wehliye.
Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Muuse...
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Shariif Sheikh Axmed oo magaalada Garowe ee maamulka Puntland ku shiray ayaa soo saaray warmurtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Labada madaxweyne ee hore ayaa waxay farriin u direen guddoonka iyo xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo...
Warsaxafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar dad badan lagu dilay oo Xalay ka dhacay magaalada Moscow ee Caasimadda dalka Ruushka.
Weerarka ka dhacay Moscow ayaa lagu dilay dad gaaraya 60 ruux, waxaana ku dhaawacmay weerarka in ka badan 100 ruux oo kale oo ku sugnaa hoolka xafladaha...
Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab ayaa ka dhacay deegaanka Busley Dhannaane iyo Jilib Marko oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.
Kooxda Alshabaab ayaa lagusoo waramayaa inay weerarka ku qaadeen farriisin ciidanka xoogga dalka ay ka sameysteen degaanadan oo maalmo ka hor laga saaray kooxda Alshabaab.
Liibaan...
Markab kuwa dagaalka ah oo lagu magacaabo INS Kolkata, oo siday 35-burcad-badeed ah oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay xeebaha Soomaaliya, ayaa saaka gaaray magaalada Mumbai, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalka Indiya.
Burcad-badeeddan ayaa lagu wareejiyay booliiska Mumbai.
"INS Kolkata, oo ay la socdaan 35-ka burcadbadeedda ah ee...
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa si kulul uga hadlay qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin...


















