Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug u tagay dardar galinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Taliyaha ayaa kulan kula qaatay Xarardheere saraakiil ka tirsan ciidanka iskaashanaya ee ku jira howlgalada ka socda magaalada Xarardheere iyo deegaanada hoostaga. Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa Cafis madaxweyne kusii daayay 116 maxbuus oo ku kala xirna xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBCC ee ku yaala Ex koontarool Afgooye. Maxaabiistaan lagu sii daayay cafiska madaxweyne ayaa la tilmaamay iney u xirnaayeen dambiyo kala duwan oo fudud, islamarkaana qaarkood la...
Markabka MV Abdullah, oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa weli lagu haystaa xeebaha, degaanada Puntland, iyadoo mulkiilaha markabka, SR Shipping, iyo mas'uuliyiinta dowladda Bangladesh ay meesha ka saareen in la weeraro markabka. Waxay sheegeen in mudnaanta la siinayo badqabka shaqaalaha la socda markabka. Khorshed Alam oo ka tirsan waaxda...
Kulan Madaxtooyada Somaliland ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mushaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cadiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa laysku afgartay in si turxaan la'aan ah doorashooyinka loo galo. Kulankan oo uu sababtiisa lahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayay dhinacyadu isku afgarteen qodobo ay ugu muhiimsanyihiin difaaca...
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa xaqiijiyay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu dalka ka bixi doono bisha December ee soo socota. Balse, wakiilka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu jiridoono howl-gal cusub oo daba socda bixitaanka ATMIS, kaas oo uu ku sheegay inuu kaa dambeeyay ...
Kooxda Al-shabaab ayaa shaacisay magaca ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ku bilaawday weerarkii habeenkii Jimcahii lasoo dhaafay kooxdu ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ku yaala xeyn daabka madaxtooyada Soomaaliya. Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa sii deysay wareysi ay ka qaaday ninkaan oo ay magaciisa ku sheegeen Xasan...
Duqayn uu Mareykanku ka fuliyay degaano hoos yimaada degmada Afgooye, oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi galbeed uga magaalada Muqdisho, ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, sida aan kasoo xiganay ehelada dhibanayaasha. Duqayntan ayaa dhacday xalay fiidkii xilli ay dadkan ku sugnaayeen beerahooda oo ku yaalla deegaanka...
71 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo xalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha wax ka badalka Dastuurka kumeel gaarka ah. Xildhibaanadaan ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in habka wax u socdaan aysan aheyn wax...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug. Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgal cir iyo dhul ah ku beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo...
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in ay maran yihiin akoonada hay'adaha mashaariicda ka fulin jiray Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa muujiyay rajo xumo weyn oo ku saabsan helitaanka taageeradii ay Puntland ka heli jiray hay’adaha caalamiga ah. Juxa wuxuu sheegay dowladda federaalka in ay masuul ka...