Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah oo ay galabta yeesheen ku ansixiyey heshiis ku saabsanaa soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaasoo ay dhawaan wada galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiskaan ay galabta ansixyeen Golaha Wasiidadda Soomaaliya ayaa waxaa bilawgii bishaan dalka Turkiga kuwada galay wasiiradda Batroolka...
Midowga Yurub ayaa madax cusub oo Ergo ah u magacaabay Hawlgalka Kobcinta Awoodda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).
Kęstutis Lančinskas, oo u dhashay dalka Lithuania, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Madaxa Ergada cusub ee Soomaaliya laga bilaabo 1 May 2024 ilaa 31 December 2024.
Wuxuu beddeli doonaa Kauko Aaltomaa.
Kęstutis Lančinskas...
Hay'adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose gargaar bani aadanimo oo gaaraya 4,000 oo tan.
Gargaarkaan ayaa loogu talo galay in la siiyo qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale oo ay ka jiraan...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa deegaanka Bacadka Faarax Aadan oo 7km u jira degmada Xarardheere, ku weeraray Alshabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.
Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo laftiisu dagaalka ka qeyb qaatay ayaa sheegay inay dhowr jiho ka...
Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu si adag uga soo horjeedo, ugana digayo beddalidda Dastuurka KMG ka ah, si aan Soomaali heshiis ku ahayna meesha looga saaro mabaadi'da asaasiga ah iyo qaab dhismeedka Dowladnimada ee ku salaysan hannaanka Federaalka.
War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in wax lala...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay tahay mid horey loogu qaaday nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Soomaaliya waxay si adag ugu ololaynaysaa in...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay weerar culus ay ku qaaday deegaanka Daarunicma ee gobolkaas.
Weerarka kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Daarunicma ayaa ku bilawday qaraxyo xoogan, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray kooxda iyo ciidamada dowladda...
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Dab wayn uu habeenkii xalay ahaa ka kacay Suuq ku yaal magaalada Jigjiga, gaar ahaan kasoo horjeedka Hotel Xamda ee magaalada Jigjiga.
Sida Wararku nagu soo gaarayaan waxaa basbeelay oo baaba'ay dhammaan Meheradihii iyo Dukaamadii ku yaallay goobta...
SSC- Khaatumo ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka Soomaaliya in mashaariic loogu talo galay degaanada SSC- Khaatumo loo marsiiyay Somaliland, taasoo ay sheegeen inay muujinayso in dowladda federaalku weli aaminsan tahay in degaanada SSC- Khaatumo ay katirsan yihiin Somaliland.
Ku xigeenka hoggaamiyaha SSC- Dr. Maxamed Shiine ayaa sheegay, dowladda federaalka in...
Waxaa goordhaw Subaxnimadii Saaka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaawday bannaanbax balaaran oo lagu taageerayo wax ka badalka Dastuurka.
Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galaya madaxda maamulka gobolka, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale oo aad u farabadan.
Dibadbaxaan ayaa...


















