Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu dhegaha ka furaystay baaqyadii ay u jeediyeen ee ku aaddanaa hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka dalka. Labada madaxweyne ee hore ayaa sheegay haddii baarlamaanku uu meel mariyo wax ka...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku heshiiyey in labada dal ay sare u qaadaan iskaashiga dhanka difaaca. kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray amniga iyo ka hortagga argagixisada. Sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kulanka waxaa diiradda lagu...
Wasiirka dastuurka iyo caddaaladda xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax wadatashi ah oo ka maqan wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya aysan jirin. Wasiirka ayaa sheegay in ay dhamaatay doodda dib eegista wax ka beddelka, haatanna loo gudbay in baarlamaanku uu meel mariyo dib u eegista lagu sameeyay...
 Bankiga Adduunka ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya, digniintaas oo ku aaddan dib u dhaca ku yimaada soo gudbinta warbixinta hanti dhowrka ee mashaariicda uu Bangiga Adduunka maalgeliyay. Warbixinta oo ay ahayd in la soo gudbiyo Juun, 30, 2023, ayaanan weli lasoo gudbin, waxayna arrintaan saamayn ku yeelan kartaa mashaariicda...
Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh inuu  beddelay dastuurkii Soomaalidu heshiiska ku ahayd. Senator Faroole oo wareysi siinayay BBC Soomaali,  ayaa uga digay madaxweyne Xasan Sheikh inuu kusii socdo wuxuu ugu yeeray tallaabooyinka uu majaraha ugu siibayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya. Faroole wuxuu tilmaamay...
Waxaa maanta lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud nin dhawaan si bareer ah ugu dilay gudaha magaaladaas Samafale Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan. Ninkaan xukunka toogashada ah lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Axmed Cigaal ayaa laba maalin ka hor maxkamadda gobolka Galgaduud ku riday xukunka...
Baarlamaanka dowlaldda Federaalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta loo qaybiyay nuqulka u dambeeya ee soo jeedinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka kumeel gaarka ah. Qodobbada ugu muhiimsan ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, ayaa sheegaya, in dalku yeelanayo Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare uu soo magacaabayo...
Dowlada Jabuuti ayaa markale kasoo horjeedsatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo sheegtay in madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan. Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in loo bahanyahay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya."In xidhiidhka fiican...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa soo saaray amar ku socda gaadiidleeyda, gaar ahaan kuwa Xamuulka, kadib shilkii naxdinta badnaa ee Shalay gabal dhacii ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho oo gaaray Xalay goobta uu shilka ka dhacay ayaa ugu...
Ururada aan dowliga ahayn ee ka jira dalka Marooko ayaa ugu baaqay dowladooda inay soo faragaliso oo ay ka hortagto xukun dil ah oo lagu riday lix qof oo u dhashay dalka Morocco. War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku sheegeen inay ka war...