Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dagaalamayaasha ajaanibta ee kooxda Alshabaab ayaa ka cabanaya inay caddaalad darro kala kulmayaan Shabaaabka dhexdooda, sida ay sheegtay Kenya. Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Shabaabku ay sii daayaan oo ahaa muwaadin Kenyan oo fulinaya fal ismiidaamin ah, ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn. Kenyaanka ku jira Shabaab, ayaa walaac ka muujinaya in...
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa sheegtay mustaqbalka Soomaaliya inuu halis ku jiro. Waxay sheegtay dalku inuusan horey u socon karin Puntland oo aan si buuxda oo loo wada dhan yahay qeyb uga ahayn. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay kulan ay madaxweyne Deni kula yeelatay...
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku lebisan tuutaha ciidanka xoogga dalka, ayaa safar aan la shaacin ugu ambo baxay degmada Xarardheere  ee gobolka Mudug. Safarka madaxweynaha ayaa la filayaa inuu qeyb ka yahay dardar galinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo dhiirri galinta ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka. Madaxweyne Xasan...
Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo magaalada Muqdisho ka fulin rabay falal ka dhan amaanka. War kooban oo kasoo baxay hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in labadaan nin ciidanku gacanta kusoo dhigeen iyaga oo gacmaha ku...
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa magaalada Garoowe kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaadatay madaxweyne Deni, kadib markii Puntland ay ku dhawaaqday inay la laabatay aqoonsigii dowladda federaalka. Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta UNSOM ee Twitter- ayaa lagu sheegay in kulanka looga...
Ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay inuu Bam gacmeed ku weeraray Masaajid ku yaala xaafad ka tirsan Baydhabo. Ninkaan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee ciidamada oo ay ka sameeyeen gudaha...
Puntland ayaa ku dhawaaqday inay kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqotay hay’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliya , sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay golaha wasiirrada ee Puntland. Go’aankaan ayay Puntland u gaartay iyadoo ka jawaabaysay go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay maalintii shalay ku meel mariyeen wax ka beddelka dastuurka...
Baarlamaanka labada Aqal ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay afarta cutub ee wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya. Afarta cutub ayaa mid mid loo codeeyay, kaddibna afarta cutub oo wada socdo ayey labada aqal ee Baarlamaanka u kala codeeyeen. 212 Xildhibaan Golaha Shacabka ah iyo 42 Aqalka Sare...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixinta wax ka badelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya oo maanta meel mariyeen labada gole ee Baarlamaanka. Raysal wasaare Xamse sidoo kale sheegay in maanta ay tahay maalin taariiqi...
Ciidamada badda Hindiya ayaa burcad badeed Soomaali ah ka soo badbaadiyay ugu yaraan 23 kalluumeysato Pakistani ah, ka dib howlgal socday 12 saacadood oo ay ka sameeyeen badda Carabta. Burcad-badeedda ayaa lagu qasbay inay is dhiibaan. Shaqaalihii markabka oo ka koobnaa 23 qof oo Pakistani ah, ayaa si nabad ah...