Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha cusub ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA inuu noqdo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Agaasimaha cusub ee loo magacaabay hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi...
Markab siday 9 burcad badeed Soomaali ah oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Mumbai ee dalka India. Burcad badeedda ayaa lagu wareejiyay booliska deegaanka si ay tilaabo dheeri ah uga qaadaan. Maraakiibta dagaalka ee dalka India ee INS Trishul iyo INS Sumedha ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan FV...
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga, ayaa magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyay wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed. Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac. Wasiirka maaliyadda...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ay ugu geysteen duuleedka magaalada Jowhar Nabadoon caan ka ahaa gobolka Shabeellaha Dhexe. Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cali Muude, kasoo ka mid ahaa waxgaradka caanka ka ah magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee ku teedsan. Dilka Nabadoonka...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka ayaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho uga qeyb galay kulan Afur wadareed ahaa. Kulanka ayaa la sheegay in u jeedkiisu ahaa mid lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ee ka jira magaalada Caasimadda...
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan mar dhow dib u furi doonin xaduudka ay la wadaagto Soomaaliya. Kenya waxay sheegtay inay walaac ka muujinayso saameynta amni ee ka dhalan karta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo haatan gabaabsi ah. Xoghayaha arrimaha gudaha Raymond Omollo ayaa wareysi uu siiyay Nation...
Dowladda Itoobiya ayaa tababar usoo xirtay cutubyo ka tirsan ciidamadeeda badda Itoobiya oo la baray xirfado la xiriira dab-damiska maraakiibta. Wakiilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Itoobiya, Rear Admiral Naasir Abadga, ayaa u sheegay askarta tababarka loo soo xidhay inay waajib ku tahay ka hortagga wax kasta oo lid ku...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa goob fagaare ah ku gubay dawooyinka maanka dooriya ee ay dhallinyaradu ku isticmaalaan magaalada Muqdisho. Dawooyinkan ayaa lagasoo aruuriyay xarumo caafimaad oo kuyaala magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si qaldan uga ganacsan jireen, taasoo keentay in dhallinyaro badan ay ka dhigtaan balwad ay qabatimeen. Guddoomiyaha...
) - Ciidamada difaaca dadweynaha ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa isku soo dhiibay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab. Horjoogahaan isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaciil Xasan Cali, kaasoo ka mid ah xubnaha Shabaab ee ka dagaalama deegaanada gobolka Mudug. Ciidanka deegaanka...
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Aden Faarax u magacaabay Madaxa Xafiiska Dhismaha Dimuquraaddiyadda Itoobiya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed. Xafiiskan loo magacaabay Aden Faarax oo ah Xafiis heer Faderal ah isla markaana ku cusub qaab dhismeedka...