Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane loo haysto inuu magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ku dilay askari katirsan ciidanka amniga gobolka Nugaal. Askarigaan ayaa lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Garowe, isagoo kamid ahaa ciidan loo xilsaaray nabad galyada suuqa dharka lagu iibiyo, maaddaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay...
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasha ah ku xukuntay Taliyahii Saldhiga Booliiska degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo ahaa askari gacanyare u ahaa Taliye Qoslaaye. Taliye Qoslaaye iyo askariga gacan yaraha u ahaa ayaa Maxkamaddu ku...
Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay weerar kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ay ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka kooxdu ku qaaday degmada Balcad ayaa ahaa mid ku bilaawday qaraxyo xoogan oo uu xigay dagaal fool ka fool ah oo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday aroornimadii hore ee saakay baro koontarool oo ku yaala degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ku bilaawday qaraxyo xoogan oo lagu beegsaday laba bar koontarool oo ay ku sugnayeen...
In ka badan saddex kun oo qoys ayaa isaga barakacay degaanada Bacaadweyne, Xinlabi, Caad iyo Camaara, ka dib markii dhawaan degaanadaasi ay dib u qabsadeen kooxda Alshabaaab. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa toban-kii Maarso ee 2024, bilaabay inay ka baxaan goobahaas, taasoo keentay inay ka barakacaan dad badan...
Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag uga horymid go'aan Shalay kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ku amartay in lagu xiro Qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe. Warsaxafadeed Xalay saqdii dhexe kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland uusan khuseyn go'aanka kasoo baxay dowladda Fedaraalka...
Booliiska magaalada Laascaanood oo gacanta kusoo dhigay 2 eedaysane oo dil toogasho ah u gaystay will dhallinyaro ah oo 26 sanno jir ah. Taliyaha booliiska SSC Khaatimo, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 2 nin oo dil toogasho ah u gaystay Cabdiqaadir Haaruun Cabdixaafid, oo ahaa wiil dhallinyaro ah...
Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay talaabooyin diblumaasiyaded oo ka dhan ah dowladda Itoobiya. Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay go'aano daba socda qaraarkii kasoo baxay Golaha wasiiradda Soomaaliya, waxaana Wasaaraddu ay amartay in Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya inuu dalka uga...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya oo maalin ka hor nin shacab ahaa ku dilay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho. Askariga ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in qofka shacabka ahaa uu ku dhex dilay goob timaha lagu...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in la xiro isla markaana oggolaanshihii hawlgalka ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland). Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad gudahiis ah lagu xiro labadaasi qunsuliyadood. Dowladda Soomaaliya waxay...