Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Guddoomiyaasha gobolka Hiiraan ee maamulada is diidan hadana kuwada sugan aqalo isku muuqda oo ku yaala gudaha magaalada Baledweyne ee Hiiraan State iyo Hirshabeelle ayaa kala magacaabay guddiyo baaritaan ku sameynaya dadkii ka dambeeyay dilal iyo dhac loo geystay dhowrkii habeen ee lasoo dhaafay dad shacab ah si cadaalada...
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, dalku inuu aadayo doorasho dimuqraadi ah, isagoo u sheegay cid walba oo ka ra’yi duwan inay ku kalsoonaadaan codka shacabka Soomaaliyeed ay ku dooranayaan madaxda berrito. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu wacad ku maray in aanay dadka Soomaaliyeed xukumidoonin qof...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabadda maalinta koowaad ee farxada Ciida Soonfureed Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah Caruurta Aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab. Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ciidamadii naftooda ku waayay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed in...
Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in dowlada Soomaaliya ay ka cafisay dhamaan deymahii ay ku laheyd, kadib kulan ku dhexmaray xarunta Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku leedahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige  iyo masuuliyiinta Safaaradda dowladda UK ee Soomaaliya. Kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan iyo Safiir...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha cusub ee hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Agaasimihii hore ee hay'adda Mahad Maxamed Salaad. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay taliyahii hore...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Baraag Gurguurte ee gobolka Mudug. Howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee ciidamada dowladda ka taageera weerarada dhanka cirka ah, waxaana...
Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin culus oo ku aaddan qatarta dhanka amaanka ah ee kusoo wajahan muwaadiniinteeda ku sugan Muqdisho. Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa heshay xog ku saabsan hanjabaadyo loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada...
Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay 4 askari oo shalay si xoog ah Hargaysa ugu xidhay fannaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane 'Maxamed Yare', iyada oo fannaankiina la sii daayay. Qaar kamid ah hobolada magaalada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xadhiga Maxamed Yare, ayaa sheegay in...
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Hanti wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Shabaab. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay afar xubnood oo uu ku jiro horjooge magaciisa lagu sheegay Zubeyr oo ahaa madaxa amniga ee kooxda Al-shabaab...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan gaar ah kula qaatay dalka Boqortooyada Sacuudiga dhaxal sugaha dalkaas Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis. Labada hoggaamiye ayaa kulankooda uga arinsaday xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo Arrimaha Dhaqaalaha,...