Dalalka Qatar iyo Kuwait ayaa soo saaray awaamiir ku wajahan Maraykanka, kuwaas oo sheegaya in diyaaradaha Maraykanka ee dagaalka aan loo ogoleyn inay u isticmaalaan saldhigyada hawada dalalkan Carabta ah si ay duqeymo uga geystaan Iran.
Kaliya maahan in diyaaradaha dagaalka Mareykanka laga mamnuucay isticmaalka saldhigyada militari, balse Qatar iyo...
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa shaaca ka qaaday in dib u bilaabayaan howlgalada dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab.
Wuxuu sheegay Taliyaha in ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka iney dib u bilaabayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda oo hakad...
Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish ee bariga Afrika.
Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ninkaan oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa (Abu Shuhadaa) ku eedeysay inuu qorsheynayay inuu ururka Daacish ka dhiso dalka...
Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay hadal ka soo yeeray xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Korir Sing'oei, kaasoo ahaa soo jeedinta heshiis dhanka badda ah oo ay wada gaareen dalalka IGAD, si loogu xaliyo xiisada kala dhexeysa Itoobiya.
Cali Cumar Balcad, Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa sheegay qorshaha la...
Waqtigii ay dowladda federaalka Soomaaliya u qabatay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Garowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland) ayaa ku ekaa khamiistii shalay.
Sida aan xogta ku helayno, labada qunsuliyadood ayaa si caadi u shaqeynaya haatan, mana jiraan wax saamayn ah oo ku yeeshay go’aankii kasoo baxay...
Dowladda Kenya ayaa soo jeedisay heshiis dhinaca badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo ka dhalatay markii Itoobiya ay Somaliland heshiis kula gashay inay deked iyo saldhig militari ka samaysato biyaha Soomaaliya.
Sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Korir Sing'oei, Heshiiska ay Kenya soo...
Guud ahaan 33 dhacdo oo burcad badeed oo loo geystay maraakiibta ganacsiga, ayaa laga diiwaan galiyay caalamka sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2024, taasoo ka badan 27 dhacdo oo isku mid ah isla mudadaas 2023, sida uu sheegay xafiiska badaha caalamiga ah (ICC).
Xoghayaha guud ee ICC John Denton...
Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay, in wax ka bedelka dastuurka ay horseedi doonto kala taga midnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay, haddii Soomaalidu ay kala qaybsanto in madaxweyne Xasan Sheekh uu keligiis mas'uuliyadeeda qaadayo.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid, xilli Puntland dhawaan...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku tagay magaladda Nairobi ayaa ka helay casuumaada dhigiisa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi, ayaa sheegay safarka madaxweynuhu inuu ku saabsan yahay adkeeynta xiriirka labada dal, iyo iskaashiga dhanka ganacsiga.
Dhanka kale, afhayeenka...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa fashiliyay weerar kooxda Al-shabaab ka geysan rabtay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka ay dooneysay kooxdu iney ka fuliso Baarsanguuni, islamarkaana haatan ay...


















