Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay mar kale ku caddaysay in aysan wada hadal la geli doonin Ethiopia, ilaa ay ka noqoto heshiiska arrimaha badda oo ay la gashay Somaliland.
Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celisay waddamada G7, kuwaas oo walaac ka muujiyay heshiiska ay Ethiopia...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka xerada ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka gaari ayaa yimid kadib markii gaari weyn oo nooxa Xamuulka qaado ah uu ku bareeg goostay wadada laamiga ah,...
Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasadu ay qabsoomi doonaan 13, November, 2024.
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee guddida ayaa ku dhawaaqay wakhtiga ay guddidu go'aamisay in doorashooyinka la qabto.
"Koomiishanku wuxuu go'aansaday in doorashada...
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay in sanadka 2025 uu Turkiga ka bilaabayo xeebaha Soomaaliya howlo shidaal baaris ah.
Hindisahani ayaa daba socda heshiis laba geesood ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada oo ay kala saxiixeen Soomaaliya iyo Turkiga. Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa...
Shir ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ayaa waxay walaac ka muujiyeen heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee arrimaha badda oo ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland bishii January ee ina dhaaftay.
G7 waxay ku booriyeen dawladda Itoobiya iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya labadaba inay ilaaliyaan xiriirkooda isgaarsiineed. Waxay carrabka...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab, Ururka 162-aad iyo ciidanka Nabadsugida Jubbaland ayaa deegaano hoostaga degmada Jamaame ka fuliyay howlgal khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.
Howlgalka ayaa ciidamada waxay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka wabiga Jubba, kuwaas oo kala ah Jiimay, Bangeeni iyo...
Roobabka Guga ayaa si rasmi ah curtay inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan oo mudooyinkii dambe ay ka jireen kuleel aad u daran oo aan noociisa waayahii dambe la arag.
Magaaloiyinka Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Halgan, Maxaas iyo Moqokori ayaa dhamaantood waxaa saacadahii lasoo dhaafay ka da'ay roobab aad u wanaagsan...
Waxaa dood aad u weyn ay ka taagan tahay dhulka xaruntii ciidanka dab damiska ee magaalada Muqdisho oo ay dagan yihiin dad shacab ah mudo aad u dheer, kuwaas oo Booliiska Soomaaliya uu amray iney isaga guuraan dhulkaas.
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii tagay soo saaray amar ku...
Wararka ka imaanaya Bariga dhexe ayaa sheegaya in Israa'iil aroornimadii hore ee saakay weerar ay u adeegsatay Gantaalada ridada dheer iney ku qaaday dalka Iiraan.
Israa'iil ayaa weerarka Gantaalada ah ku qaaday goobo bartilmaameedyo u ahaa oo ku yaala gudaha dalkaasi Iiraan.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in jugta qarax weyn...
Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay in tirada dadka ku nool deegaanadeedu ay gaadhay 6.2 milyan.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ka qabsoomay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in tirada dadka Somaliland ay korodhay oo ay 6 milyan kor u dhaaftay.
"Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku...


















