Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Atalanta ee gacanta ku haya howlgallada burcadbadeedda ah ee badweynta Hindiya, ayaa ka digay in go'aankii todobaadkii hore ay shirkad Bangaladesh ah ku bixisay madaxfurasho ay ku sii daysay markabka iyo shaqaalaheeda uu horseedi karo weerarro kale oo lagu qaado maraakiibta ganacsiga.
Maraakiibta ku...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka u dhaxeya labada Maleeshiyo beeleed oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal ayaa intiisa badan ahaa mid maleeshiyaadka si ku...
Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku yaboohday lacag dhan 2.75 Milyan oo Giniga Istarliinka ah si loogu xoojiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
Maalgelintan, oo loo soo marinayo Sanduuqa Trust ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa bixin doona agabyada raashiinka, qalabka isgaarsiinta, iyo teendhooyinka.
Dhaqaalahan ayaa...
Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu kalsoonidii kala noqday xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo horjeeda go'aannada ay Puntland ka qaadatay xiriirka dowladda federaalka.
Puntland waxay sheegtay in xildhibaanadaas aysan Puntland ku matali karin Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa yiri hadalkaan, isagoo sheegay in xildhibaanada ay...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka amniga gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Xamse Cabdi Barre, Wasiirada kala ah Amniga iyo Gaashaandhiga, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka...
Puntland ayaa qaaddacday shirka wadatashiga ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, uu ugu yeeray madaxweynaasha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan yihiin oo ay wada xaajood la galaan.
“Dowladda...
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir ugu yeeray inay kasoo qeyb galaan shirka golaha wadatashiga.
Shirkaan oo dhici doona 20-ka iyo 21-ka bisha Abril ayaa madaxweynuhu sheegay, in looga hadli doono la dagaalanka argigixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Shirkaan ayaa kusoo...
Guddoomiyaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Cali Fahle ayaa soo saaray amaro ku socda hoteelada iyo maqaayadaha ku yaala degmadaas ee lagu caweeyo habeenkii.
Guddoomiye Cali Fahle ayaa sheegay inuusan marna aqbali doonin in dhaqan xumo lagu sameeyo hoteelo iyo maqaayado ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho."'Annaga ma ogolin...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay dugsiyada tababarka ciidanka xoogga dalka ee kala ah Jeneraal Dhagabadan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u...
Shirkadda adeegga maraakiibta iyo saadka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay wadahadal la yeelatay shirkadaha Shiinaha ee dhisa maraakiibta, si ay u soo iibsadaan maraakiibta waaweyn.
Ethiopia ayaa sheegtay inay doonayso in ay balaariso waaxdeeda gaadiidka badda, si ay kor ugu qaado dhoofinta iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee dalkeeda.
Wakiillo ka socda...


















