Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay fatahaado baahsan oo ka dhaca Soomaaliya, sababo la xiriira xilli roobaadka Guga, kuwaasi oo barakicin kara boqolaal kun oo qof. Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA), roobab mahiigaan ah oo da'aya bilaha April-June ayaa la filayaa in ay...
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, xitaa haddii uu dhammaado howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS. Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka madaxa howlgallada ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay, in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan in ay ka howlgallaan Soomaaliya, taas...
 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil Xalay loogu geystay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa. Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa qoyskiisa waxay sheegeen in loo dilay qaab shirqool ah oo uu ka dambeeyay wiil kale oo ay sheegeen iney horay saaxiibo u ahaan jireen, hayeshee...
Baaq nabadeed ayaa lagasoo saaray colaadda ka jirta gobolka Mudug, taasoo u dhaxeysa labo beelood oo kasoo kala jeeda koonfurta Mudug (Galmudug) iyo degmada Galdogob (Puntland). Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa ka qeyb galay gunaanadka shir lagu xoojinayo  xabbad joojinta labada beelood.Wasiirka arrimaha...
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sagootiyay ku dhawaad 100 sarkaal oo katirsan saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo tababaro aqoonsi kororsi ah kusoo qaadanaya  dalal kuyaala Afrika, Aasiya iyo Yurub. Taliyaha Qorsheynta iyo Tababarada ee Ciidanka Booliska Axmed Maxamed Axmed ayaa sheegay, in 84 Sarkaal dowladda Soomaaliya ay u dirayso...
Kooxda Daacish ayaa sheegatay in dagaalyahanadooda ay weerarro ku qaadeen xarumaha kooxda Alshabaab ee gudaha Soomaaliya, ayna ku dileen in ka badan 50 xubnood oo ay ku jiraan taliyayaal muhiim ah. Warbixin lagu daabacay majaladda caalamiga ah ee Al_Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu qoray warkaan. Daacish waxay sheegtay...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika oo maanta soo gaaray Muqdisho. Raysal wasaaraha ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dalalka bariga Afrika ee ku mideysan Ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta...
Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay warmurtiyeed ka soo baxay waddamada G7, oo Somaliland ku tilmaamay gobol Soomaaliya kamid ah. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagaga jawaabay warmurtiyeedka G7. "Waxa xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada...
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa shaacisay in maanta oo Axad ah ay bilaabaneyso dhageysiga dacwada loo haysto Sayid cali Macalin Daa'uud oo horay Maxkamadda gobolka Banaadir ugu xukuntay dil toogasho ah. Eedeysanahaan ayaa Maxkamaddu ku heshay inuu gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis. Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa ku...
 Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay mar kale ku caddaysay in aysan wada hadal la geli doonin Ethiopia, ilaa ay ka noqoto heshiiska arrimaha badda oo ay la gashay Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celisay waddamada G7, kuwaas oo walaac ka muujiyay heshiiska ay Ethiopia...