Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar.
Deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ayaa kala Baareey, Mareerey, Kuukaay, Maandheere, Xawaadley iyo Bayaxaaw, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka...
Ra’iisul Wasaara Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu ku tago dalka Kenya Booqasho Markii ugu Horeysay tan iyo markii uu Noqdey Ra'iisal wasaare, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha Kenya Korir SingOei oo la kulmay wafdi ka socday shirkadda raysal Ingiriisida.
Waxay noqon doontaa markii...
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowlad goboleedyada in aysan siyaasadeynin arrimaha midnimada, wadajirka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka.
Warsaxafaadeed caawa kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Puntland, si...
Dooni ay saarnaayeen 77 qof ayaa ku degtay xeebaha dalka Jabuuti Talaadadii, waxaana ku dhintay 21 Itoobiyaan ah, 23 kalena waa la la’yahay, sida ay sheegtay hay'add Qaramada Midoobay ee socdaalka. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee noocan oo kale ah muddo laba toddobaad gudahood ah.
Tanja Pacifico, oo ah...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa saaxibada Caalamka oo is kaashanaya ayaa saacadahii lasoo dhaafay duqeymo dhanka cirka ah Ka fuliyay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhaxe iyo Mudug.
Duqeynta koowaad oo ka dhacday deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in lala eegtay guri ay ku...
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay Taliyaha...
Wasiirka Horumarinta Beeraha Kenya MKithika Linturi, ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay la saxiixan doonto Soomaaliya heshiis ku saabsan Qaadka Miirwoga, si loo xaqiijiyo waxay ugu yeertay faa’iidooyinka dhaqaale ee joogtada ah iyo in loo helo qaab sharci ah oo ku saabsan ganacsiga qaadka.
Mr. Linturi ayaa xusay in...
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Kemalreis ayaa maanta ku soo xiri doona dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay dhawaan kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.
Waxaa la filayaa in madaxda dowladda Soomaaliya...
Somaliland ayaa beesha caalamka ka codsatay in lacagaha deeqaha ah si gaar ah loo siiyo, oo aan loo soo marin dowlada Soomaaliya.
Waraaq ay Wasaarada Qorshaynta Somaliland la wadaagtay waddamada deeqda bixiya, ayaa lagu sheegay muhiimada ay leedahay in la sameeyo dariiqyo ay beesha caalamku si gaar ah ugula macaamisho...
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay fatahaado baahsan oo ka dhaca Soomaaliya, sababo la xiriira xilli roobaadka Guga, kuwaasi oo barakicin kara boqolaal kun oo qof.
Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA), roobab mahiigaan ah oo da'aya bilaha April-June ayaa la filayaa in ay...


















