Sunday, August 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wabiga Shabeelle ee dhaxmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay keenay biyo aad u tiro badan oo cabsi xoogan ku beeray dadka ku nool xaafadaha Baledweyne. newsinsdeBiyaha aadka u badan ee uu keenay wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii daadad badan oo ka...
3 xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay ka hor yimaadeen qorshe dad danyar ah lagaga rarayo goob dhisme laga dhisayo. Xubnaha xabsiga la dhigay ayaa magacyadooda lagu sheegay Siikaawi, Siciid Jaamac iyo Fidaar, sida uu baahiyay MMTV booliiska ayaa jidhdil u gaystay...
 Dowladda Mareykanka ayaa hakisay cunnadii ay siin jirtay ciidanka kumaandooska Danab, kadib markii ay soo shaac baxday musuq-maasuq ku saabsan  iibsashada gargaarka cuntada iyo shidaalka ee lasiiyo ciidamada Danab. Go’aanka lagu hakiyay raashiinkii Danab ayaa waxaa loo gudbiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Ibraahim Sheekh...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Dar es Salaam ee caasimadda Tanzania, isla markaana xarun u ah Ururka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay. Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doono xuska sanad guurada 60-aad ee midowga Tanzania iyo qarannimadeeda. Inta uu joogo...
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xal laga gaaray colaad labo beelood ku dhex martay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdullaahi Xaaji Xasan waxa uu sheegay in labada beelood ay qaateen nabad. Ka dib dadaalo badan oo la sameeyay ayuu sheegay in lagu...
Amniga Xeryaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaad aad loo adkeeyay, iyadoo ay dhow dahay sannad guuradii koowaad ee weerarkii Buulomareer ee lagu dilay 54 kamid ah ciidanka Uganda. Weerkaas ayaa sababay in ciidamada Uganda ay weli maskaxda ku hayaan digniin kasta oo ay helaan taliyeyaashooda inay si degdeg ah uga...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal culus oo maanta oa dhacay dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanka Tabar mooge oo qiyaas ahaan 28 KM dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay in howlgalka oo ay iska kaashadeen...
Hay'adaha amniga ee maamulka Puntland ayaa raadinaya nabadoono iyo cuqaal ku sugan magalada Boosaaso, kuwaas oo maalmo ka hor saxaafadda ka sheegay in ay kasoo horjeedaan go’aanka ay Puntland ku sheegtay in u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan. Dadka la raadinayo  waxaa kamid ah, afhayeenka nabadoonada gobolka Bari, Nabadoon Cabdiqaadir...
Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda ka mamnuucday in meel ka baxsan dalka lagu qabto shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hay’adaha dowladda. Go’aankaan ayaa laga sheegay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre. Waa markii labaad oo sanad gudihiisa ay dowladda hadalkaan sheegto. Wuxuu...
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar. Deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ayaa kala Baareey, Mareerey, Kuukaay, Maandheere, Xawaadley iyo Bayaxaaw, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka...