Sunday, August 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia...
Shacabka ku nool Muqdisho ayaa bilaabay inay maydadka dadkooda horey u geeriyooday kala baxaan qabuuraha kuyaala  Iskuul buluzia ee degmada Xamar Jajab. Qaar kamid ah dadka la baxay maydadkooda, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan, in dowladdu ay amartay in qabuuraha Iskuul buluzia laga saaro dadka ku aasan, loomana...
Ciidamada badda Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed. Howlgalkan ayaa ka dhacay degmo xeebeedka Eyl, halkaas oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka mid tahay meelaha laga abaabulo weerarrada  qafaalashada maraakiibta caalamiga ah. War saxaafadeed kasoo baxay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya. Sarkaalkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmed oo loo yaqiinay Aadan biit, kaasoo lagu dilay goob maqaaxi ah oo ku taala agagarka xerada Iskool Buluusiya oo ka mid ah...
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin maanta ku dilay Xaaskiisii hore deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho. Ninkaan ku eedeysan dilka Xaaskiisii hore ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Maame, kaasoo Mindi ku dilay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi, taasoo ninka dilay horay...
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys jaamac ayaa ugu hambalyeeyay  Saxaafiyiinta Soomaaliyeed dabaal dega maalinta caalamiga ee xorriyadda saxaafadda oo sanad walba maanta oo kale loo dagaal dego. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu horeyn maalintaan qiimaha gaarka ah u leh Saxafiyiinta Soomaaliyeed darteed ku bogaadiyay shaqada...
Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca qaaday iney gacanta ku soo dhigeen rag ku eedeysan dil ay horey ugu geysteen Wiil Arday ahaa. Ragaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacanta kusoo dhigay ayaa ka kooban 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka...
Safiirka cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed ayaa booqday mid ka mid ah xabsiyada ku yaala magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaali ah. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga uu booqday Danjire Fatxudiin ayaa ah kuwa ku eedeysan...
Waxaa sii kordhaya dadka isaga barakacaya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib daadad ka dhashay roobab saacado badan ka da'ay gudaha iyo daafaha magaaladaas oo ku soo rogmaday xaafadaha qaar. Meelaha wali ay ka socdaan barakaca xoogan ayaa ka mid ah xaafada Kooshin, gaar...
Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland. Gabagabada shir ay yeesheen waddamadan, ayaa lagu sheegay, in heshiiskaas uu yahay ku xad-gudub...