Sunday, August 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Shimbir haad ah ayaa ku dhintay magaalada Lawyo-caddo kadib markii ay xukuumada Somaliland u qaaday dalka Jabuuti si looga daweeyo dhaawac soo gaadhay. Wasiirka Wasaarada Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, oo waraysi siisay BBC Somali ayaa sheegtay in shimbirkan oo ahaa nooc haadka kamid ah oo sii dabar go'aya uu...
Muxyadin Maxamed oo loo garan og yahay Muxyadin Show kana mid ah Wariyayaasha sida madaxa banaan uga howlgala Dowlad degaanka Soomaalida ayay Maxkamadda Gobolka Faafan ee Jigjiga ku xukuntay 2 sano oo xarig, kaddib markii lagu eedeeyay gudbinta hadallo naceyb oo bulshada iska horkeenaya iyo been abuur. Haddaba Ururka Saxafiyiinta...
Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxay soo saartay digniin dhinaca saadaasha hawada ah oo ku socota dadka ku nool degaanada ku dhow dhulka webiga Shabeelle. Wasaaradda deegaanka ayaa sheegtay in webiga Shabeelle, dhanka magaalada Beledweyne uu cabirka wabiga kor u kacay una dhowaaday heerka uu...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saakay u ambabaxay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa magaalada Nairobi u tagaya booqasho rasmi ah oo la xariirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya. "Ra’iisul...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Ciidamada Badda Turkigu anay ka hawlgali karin xeebaha Somaliland. Kadib heshiiska ilaalinta badda ee ay wadagaadheen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga dad badan ayaa iswaydiinayay in Turkigu uu sidookale ka hawlgali doono xeebaha Somaliland iyo in kale, hadaba Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa...
Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Geeska Afrika ayaa u muuqata mid miro dhal ah, sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed. Dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay dublamaasiyiinta reer galbeedka sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo Axdiga...
Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dib u habaynta lagu sameeyay dastuurka dalka. Madaxweynaha Puntland iyo safiirka UK ayaa yeeshay wada hadal ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay in laga wada xaajoodo dib u habeynta...
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay kiiska dacwadda loo heysto Sayid cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay xaaskiisii. Eedeysanahaan ayaa horay waxaa dil toogasho ah ugu xukuntay Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegtay in lagu helay dilka uu u geystay xaaskiisii oo lagu magacaabi...
Hay'adda danbi baarista ee CID-da Soomaaliya ayaa dambi ku weyday oo siidaysay 10 eedaysane oo loo haystay dilkii C/naasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable), oo ahaa mas’uul katirsanaa hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya. Baaritaan ay iska kaashadeen Khubarada dambi baarista Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka helayay sheybaarka dambi baarista ee booliska Turkiga,...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Sarman dheere ee gobolka Baay. Howlgalka ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Sarman dheere oo ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay xubno isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad aanan tiradooda...