Guddoomiyaha Ururka Hillaac Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Somaliland anay dadaalkii loo baahnaa galin aqoonsi raadinta.
Samatar oo hadal u jeediyay ardayda Jaamacada New Generation ee Hargaysa, ayaa sheegay in anay jirin doodo cilmiyaysan oo qoran si adduunka loogu qanciyo waxa ay Somaliland tahay.
"Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciida Carafo oo maanta Muslimiinta Caalamka si weyn ugu dabaal dagayaan farxada Ciida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay iney garab istagaan walaalahooda kale ee danyarta ah ee aan awoodin...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu dowladda Federaalka Soomaaliya la furo wada xaajood toos ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dowlad dhiska dalka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay, in khilaafaadka siyaasiga ah looga gudbi karo wada hadal ku salaysan wadar oggol, iyadoo...
Ku dhawaad 2 Milyan oo Xujaay Muslimiin ah ayaa Maanta taagan buurta Carafo oo ku taala magaalada Makka ee dalka Sacuudi Carabiya.
Muslmiintaan ayaa buurta Carafo u taagan gudashada waajibaadka maalinta Carafo oo ah rukniga ugu weyn ee Xajka.
Xujaaydaan ayaa burta kasoo dagi doonaan marka la gaaro Salaadda Duhur oo...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tallaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay go’aanka ay dowladda Soomaaliya usoo faagayso qabuuraha Iskuul Buuulisiya.
Madaxweyne Deni oo maanta hortagay baarlamaanka Puntland, ayaa ku baaqay in go’aankaas dib loo eego, loona dhimriyo bulshada. Wuxuu sheegay in lagu jiri waqti adag oo ay dadku...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay wadooyinka isku xira gobolada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo.
Wadooyinkaan ciidamada is kaashanaya ay howlgalada ka sameeyeen ayaa la sheegay iney ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
War...
Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku dooneyso dib u howlgalinta Diyaaradii Soomaali Airlines.
Maareeye Axmed Macalin ayaa tilmaamay iney soo gabagabeeyeen guddigii loo magacaabay ka shaqeynta dib u howlgalinta Soomaal Airlines waji koowaad,...
Maareeyaha guud ee hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Fedaraalka ay wado qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho.
Maareeyaha hay'adda Duulista Rayidka ayaa sheegay in garoonka cusub laga dhisi doono Ceel macaan, islamarkaana loogu talo galay inuu fududeeyo ciriiriga iyo saxmada...
Wafdi aad u balaaran oo uu hoggaaminaayo Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaaliif ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiraan.
Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan iyo meelo ka baxsan gobolka oo Maxaas u joogay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyaal ah oo Xalay saqdii dhexe kooxda Al-shabaab ay ku qaaday Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Ku dhawaad 10 hoobiye ayaa la sheegay in kooxdu ay ku garaacday saldhiga ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, sida ay xaqiijiyeen qaar...


















