Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay hogaanada talisyo cusub oo ka mid noqonaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Magacaabista talisyadaan ciidan ayaa la sheegay iney ku timid soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Talisyada cusub ee lagu kordhiyay ciidanka xoogga dalka oo ka kooban...
Wakaaladda wararka dalka Qatar QNA ayaa baahisay in Amiirka dalkaasi Qatar Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani inuu kulamo gooni gooni ah uu khadka Talefanka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.
Wakaaladda wararka dalkaasi Qatar ma bixin faahfaahino la xariira waxa...
Afhayeenkii hore madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa), ayaa beeniyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay qorshaynaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya loo beddelo hotelo ganacsi, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga.
Cabdirashiid Xaashi oo haatan ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga ku tilmaamay mid been abuur...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay galinkii dambe kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Mareexaan iyo Dir oo Sabtigii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal ay isaga dileen ku dhawaad 100 ruux.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa labada dhinac ugu baaqay gogol nabadeed oo lagu dhameynayo colaada u dhaxeysa,...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ku dhexmaray deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo Xaaji oo laba maalin ka...
Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa ku xukuntay Jackton Jacob Kanoti oo loo yaqaan Abdul Hakim soddon sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha ISIS iyo Alshabaab.
Ninkaan ayaa lagu qabtay degaanka Siaya isagoo watay agab iyo macluumaad la xiriira afkaarta xagjirnimada, sida muuqaalo ka sheekeynaya howlaha...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Norway ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo khuseysay xaalada guud ee dalka.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda, Horumarka dalka, Dastuurka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay kaabiga ku hayaan degmada Badhaadhe.
Ciidamada iskaashanaya ayaa qorsheynaya sidii ay ula wareegi lahayeen gacan ku heynta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku haysay mudooyinkii dambe Al-shabaab.
Wararka ayaa...
Militariga Mareykanka ayaa is fogeeyay masuuliyada dil loo geystay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo ku jiray gacanta kooxda Al-shabaab.
Kooxda Al-shabaab ayaa horay u shaacisay in labada dhaqtar ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanka ka geystay 15-kii bishii Febraayo ee sanadkaan 2024 deegaano hoostaga degmada Jilib.
Taliska Mareykanka...
Dooni ay saarnaayeen 260 tahriibayaal ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku degtay xeebaha dalka Yemen Isniintii, waxaana ku dhintay ugu yaraan 49 qof, halka 140 kalena waa la la'yahay, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay Salaasadii.
71 qof ayaa ka badbaaday doonida degtay,...


















